Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Ankabut Ayahs #27 Translated in Somali

وَالَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ اللَّهِ وَلِقَائِهِ أُولَٰئِكَ يَئِسُوا مِنْ رَحْمَتِي وَأُولَٰئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
kuwii ka gaaloobay aayaadka Eebe iyo la kulankiisa kuwaasi waxay kaquusteen naxariistayda waxaana kuwaas u sugnaaday Cadaab daran.
فَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلَّا أَنْ قَالُوا اقْتُلُوهُ أَوْ حَرِّقُوهُ فَأَنْجَاهُ اللَّهُ مِنَ النَّارِ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Jawaabtii Qoomkiisuna waxaad ahayn Dila ama Guba ma ahayn, markaasaa Eebe ka koriyey Dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan Cidii wax rumeyn.
وَقَالَ إِنَّمَا اتَّخَذْتُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ أَوْثَانًا مَوَدَّةَ بَيْنِكُمْ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ ثُمَّ يَوْمَ الْقِيَامَةِ يَكْفُرُ بَعْضُكُمْ بِبَعْضٍ وَيَلْعَنُ بَعْضُكُمْ بَعْضًا وَمَأْوَاكُمُ النَّارُ وَمَا لَكُمْ مِنْ نَاصِرِينَ
wuxuuna ku yidhi (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen Eebe ka sokow Sanamyaal Jacayl dhexdiinna ah dartiis Nolosha adduunyo, Maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarka kale Lacanadina qaarkin qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina idiin ma sugnaan.
فَآمَنَ لَهُ لُوطٌ ۘ وَقَالَ إِنِّي مُهَاجِرٌ إِلَىٰ رَبِّي ۖ إِنَّهُ هُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
waxaa rumeeyey Nabi Ibraahim (Nabi) Luudh wuxuuna yidhi Nabi Ibraahim waxaan u hijroon Eebehay illeen waa adkaade falsane.
وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَجَعَلْنَا فِي ذُرِّيَّتِهِ النُّبُوَّةَ وَالْكِتَابَ وَآتَيْنَاهُ أَجْرَهُ فِي الدُّنْيَا ۖ وَإِنَّهُ فِي الْآخِرَةِ لَمِنَ الصَّالِحِينَ
waxaana siinay isxaaq iyo yacquub waxaana yeelay faraciisii Nabinimo iyo Kitaab (loo soodajiyey) waxaana siiney ajrigiisii adduunyada dhexdeeda aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa suuban.

Choose other languages: