Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #26 Translated in Somali

وَيَوْمَ نَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشْرَكُوا أَيْنَ شُرَكَاؤُكُمُ الَّذِينَ كُنْتُمْ تَزْعُمُونَ
Ka Warran Maalintaan Kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno Kuwii la Wadaajiyey Aaway kuwaad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadna ahaydeen kuwo Sheegan (Inay wax tari).
ثُمَّ لَمْ تَكُنْ فِتْنَتُهُمْ إِلَّا أَنْ قَالُوا وَاللَّهِ رَبِّنَا مَا كُنَّا مُشْرِكِينَ
Markaas Xujadoodii ma ahayn inay Dhahaan Eebaan ku Dhaarannaye Maanaan ahayn Mushrikiin (Wax la wadaajiya).
انْظُرْ كَيْفَ كَذَبُوا عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ ۚ وَضَلَّ عَنْهُمْ مَا كَانُوا يَفْتَرُونَ
Bal day say ugu beensheegeen Naftooda ugana Dhumay waxay Been Abuuran jireen.
وَمِنْهُمْ مَنْ يَسْتَمِعُ إِلَيْكَ ۖ وَجَعَلْنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ أَكِنَّةً أَنْ يَفْقَهُوهُ وَفِي آذَانِهِمْ وَقْرًا ۚ وَإِنْ يَرَوْا كُلَّ آيَةٍ لَا يُؤْمِنُوا بِهَا ۚ حَتَّىٰ إِذَا جَاءُوكَ يُجَادِلُونَكَ يَقُولُ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Waxaa ka mida kuwo ku Dhagaysan waxaana yeellay Quluublooda Dabool inay kasaan (Quraanka) Dhagahoodana waxaan Yeellay Culays, Hadday Arkaan Aayaad kasta ma Rumaynayaan, Markay kuu Yimaaddaanna way kula Murmaan iyagoo dhihi kuwii Gaaloobay kani (Quraanku) ma aha waxaan warkii Kuwii Hore ahayn.
وَهُمْ يَنْهَوْنَ عَنْهُ وَيَنْأَوْنَ عَنْهُ ۖ وَإِنْ يُهْلِكُونَ إِلَّا أَنْفُسَهُمْ وَمَا يَشْعُرُونَ
Waxayna ka Reebi Dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka Fogaan mana halaagayaan waxaan Naftooda ahayn, mase Oga.

Choose other languages: