Quran Apps in many lanuages:

Surah Yunus Ayahs #62 Translated in Somali

قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَٰلِكَ فَلْيَفْرَحُوا هُوَ خَيْرٌ مِمَّا يَجْمَعُونَ
Waxaad dhahdaa Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu'miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine.
قُلْ أَرَأَيْتُمْ مَا أَنْزَلَ اللَّهُ لَكُمْ مِنْ رِزْقٍ فَجَعَلْتُمْ مِنْهُ حَرَامًا وَحَلَالًا قُلْ آللَّهُ أَذِنَ لَكُمْ ۖ أَمْ عَلَى اللَّهِ تَفْتَرُونَ
waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka yeesheen Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise Eebaad ku Beenabuuranaysaan.
وَمَا ظَنُّ الَّذِينَ يَفْتَرُونَ عَلَى اللَّهِ الْكَذِبَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَذُو فَضْلٍ عَلَى النَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَشْكُرُونَ
Maxay u malayn kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma mahadiyaan.
وَمَا تَكُونُ فِي شَأْنٍ وَمَا تَتْلُو مِنْهُ مِنْ قُرْآنٍ وَلَا تَعْمَلُونَ مِنْ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيْكُمْ شُهُودًا إِذْ تُفِيضُونَ فِيهِ ۚ وَمَا يَعْزُبُ عَنْ رَبِّكَ مِنْ مِثْقَالِ ذَرَّةٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَلَا أَصْغَرَ مِنْ ذَٰلِكَ وَلَا أَكْبَرَ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُبِينٍ
Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada, wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin.
أَلَا إِنَّ أَوْلِيَاءَ اللَّهِ لَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ
Awliyada Eebana cabsi masaarra mana murugoodaan.

Choose other languages: