Quran Apps in many lanuages:

Surah Saba Ayahs #20 Translated in Somali

فَأَعْرَضُوا فَأَرْسَلْنَا عَلَيْهِمْ سَيْلَ الْعَرِمِ وَبَدَّلْنَاهُمْ بِجَنَّتَيْهِمْ جَنَّتَيْنِ ذَوَاتَيْ أُكُلٍ خَمْطٍ وَأَثْلٍ وَشَيْءٍ مِنْ سِدْرٍ قَلِيلٍ
Wayse jeedsadeen, waxaana ku diray daad daran, waxaana ku badaley labadoodii beerood beero kale oo geedo khadhaadh iyo qoryo iyo sidri yar ah.
ذَٰلِكَ جَزَيْنَاهُمْ بِمَا كَفَرُوا ۖ وَهَلْ نُجَازِي إِلَّا الْكَفُورَ
Sidaasaana ku abaalmarinay gaalnimadoodii darteed, abaalmarin xunna waxaan abaal marinaa kuwa gaalnimada badan.
وَجَعَلْنَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ الْقُرَى الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا قُرًى ظَاهِرَةً وَقَدَّرْنَا فِيهَا السَّيْرَ ۖ سِيرُوا فِيهَا لَيَالِيَ وَأَيَّامًا آمِنِينَ
Waxaana yeeley dhexdooda iyo magaalooyinkii barakeysnaa (Yaman iyo Qudus) magaalooyin muuqdo waxaana qadaray socodkooda, waxaana ku nidhi ku socda dhexdeeda habeen iyo maalinba idinkoo aamin ah.
فَقَالُوا رَبَّنَا بَاعِدْ بَيْنَ أَسْفَارِنَا وَظَلَمُوا أَنْفُسَهُمْ فَجَعَلْنَاهُمْ أَحَادِيثَ وَمَزَّقْنَاهُمْ كُلَّ مُمَزَّقٍ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِكُلِّ صَبَّارٍ شَكُورٍ
Waxayse dhaheen Eebow noo kala fogee socodka, wayna dulmiyeen naftooda, waxaana ka yeelay wax lagu sheekeysto. waana kala goyney, sidaasna waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo Samirbadanoo Mahadin badan.
وَلَقَدْ صَدَّقَ عَلَيْهِمْ إِبْلِيسُ ظَنَّهُ فَاتَّبَعُوهُ إِلَّا فَرِيقًا مِنَ الْمُؤْمِنِينَ
Dhab ahaan waxaa ku rumoobey gaalada korkooda Ibliis Malihiisii, wayna raaceen wax yar oo ka mid ah oo mu'min ah mooyee.

Choose other languages: