Quran Apps in many lanuages:

Surah Ghafir Ayahs #33 Translated in Somali

يَا قَوْمِ لَكُمُ الْمُلْكُ الْيَوْمَ ظَاهِرِينَ فِي الْأَرْضِ فَمَنْ يَنْصُرُنَا مِنْ بَأْسِ اللَّهِ إِنْ جَاءَنَا ۚ قَالَ فِرْعَوْنُ مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَىٰ وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَادِ
Qoomkayoow idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari caddabka Eebe hadduu inoo yimaado, fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan ahayn ra'yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah.
وَقَالَ الَّذِي آمَنَ يَا قَوْمِ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ مِثْلَ يَوْمِ الْأَحْزَابِ
Wuxuu yidhi kii rumeeyey (Xaqa) qoomkayoow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii xisbiyadii.
مِثْلَ دَأْبِ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَالَّذِينَ مِنْ بَعْدِهِمْ ۚ وَمَا اللَّهُ يُرِيدُ ظُلْمًا لِلْعِبَادِ
Sidii Qoomkii Nabi Nuux iyo reecaad iyo thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebana ma aha mid la doonadulmi addoomada.
وَيَا قَوْمِ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ يَوْمَ التَّنَادِ
Qoomkayow wxaan idinka cabsan maalinta isu yeedhidda (Qiyaamada).
يَوْمَ تُوَلُّونَ مُدْبِرِينَ مَا لَكُمْ مِنَ اللَّهِ مِنْ عَاصِمٍ ۗ وَمَنْ يُضْلِلِ اللَّهُ فَمَا لَهُ مِنْ هَادٍ
Maalintaad jeedsandoontaan idinkoo carari, idiinna sugnayn wax Eebe idinka ilaaliya, ruux Eebe dhumiyeyna malaha «ma jiro» wax hanuunin.

Choose other languages: