Quran Apps in many lanuages:

Surah Ghafir Ayahs #32 Translated in Somali

وَقَالَ رَجُلٌ مُؤْمِنٌ مِنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَكْتُمُ إِيمَانَهُ أَتَقْتُلُونَ رَجُلًا أَنْ يَقُولَ رَبِّيَ اللَّهُ وَقَدْ جَاءَكُمْ بِالْبَيِّنَاتِ مِنْ رَبِّكُمْ ۖ وَإِنْ يَكُ كَاذِبًا فَعَلَيْهِ كَذِبُهُ ۖ وَإِنْ يَكُ صَادِقًا يُصِبْكُمْ بَعْضُ الَّذِي يَعِدُكُمْ ۖ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي مَنْ هُوَ مُسْرِفٌ كَذَّابٌ
Wuxuu yidhi nin Mu'min ah oo ka mid ah dadka Fircoon oo qarinaayay limaankiisa, ma waxaad udilaysaan in uu yidhi Eebahay waa Alle, isagoo idiinkala yimid xijooyin xagga Eebihiin hadduu beenaale yahayna isagay dhibi beentiisu, hadduu runle yahayna waxaa idin ku dhici wuxuu idiin ku yaboohay qaarkiis, Eebana ma hanuuniyo danbi badane been badan.
يَا قَوْمِ لَكُمُ الْمُلْكُ الْيَوْمَ ظَاهِرِينَ فِي الْأَرْضِ فَمَنْ يَنْصُرُنَا مِنْ بَأْسِ اللَّهِ إِنْ جَاءَنَا ۚ قَالَ فِرْعَوْنُ مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَىٰ وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَادِ
Qoomkayoow idinkaa iska leh xukunka maanta una adag dhulka, yaase nooga gargaari caddabka Eebe hadduu inoo yimaado, fircoon wuxuu yidhi idin kula talin maayo waxaan ahayn ra'yigayga (waxa ii muuqda) idinkumana hanuuniyo waxaan ahayn waddada xaqa ah.
وَقَالَ الَّذِي آمَنَ يَا قَوْمِ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ مِثْلَ يَوْمِ الْأَحْزَابِ
Wuxuu yidhi kii rumeeyey (Xaqa) qoomkayoow waxaan idiin ka cabsan sidii maalintii xisbiyadii.
مِثْلَ دَأْبِ قَوْمِ نُوحٍ وَعَادٍ وَثَمُودَ وَالَّذِينَ مِنْ بَعْدِهِمْ ۚ وَمَا اللَّهُ يُرِيدُ ظُلْمًا لِلْعِبَادِ
Sidii Qoomkii Nabi Nuux iyo reecaad iyo thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, Eebana ma aha mid la doonadulmi addoomada.
وَيَا قَوْمِ إِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ يَوْمَ التَّنَادِ
Qoomkayow wxaan idinka cabsan maalinta isu yeedhidda (Qiyaamada).

Choose other languages: