Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #108 Translated in Somali

أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ هُوَ يَقْبَلُ التَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِ وَيَأْخُذُ الصَّدَقَاتِ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ
Miyayna Ogayn in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe yahay kan toobad aqbalka Badan ee Naxariista.
وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ ۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ
Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen.
وَآخَرُونَ مُرْجَوْنَ لِأَمْرِ اللَّهِ إِمَّا يُعَذِّبُهُمْ وَإِمَّا يَتُوبُ عَلَيْهِمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Kuwo kalana waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo, Eebana waa oge Falsan.
وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مَسْجِدًا ضِرَارًا وَكُفْرًا وَتَفْرِيقًا بَيْنَ الْمُؤْمِنِينَ وَإِرْصَادًا لِمَنْ حَارَبَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ مِنْ قَبْلُ ۚ وَلَيَحْلِفُنَّ إِنْ أَرَدْنَا إِلَّا الْحُسْنَىٰ ۖ وَاللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
Waxaa ka mida kuwo u yeeshay Masaajid, gaalnimo, kala goynta Mu'miniinta iyo darbidda Cid la dagaallanta Eebe iyo Rasuulkiisa mar hore waxayna ku dhaaran inaanaan doonayn Waxaan wanaag ahayn Eebana waa ogyahay inay been sheegi.
لَا تَقُمْ فِيهِ أَبَدًا ۚ لَمَسْجِدٌ أُسِّسَ عَلَى التَّقْوَىٰ مِنْ أَوَّلِ يَوْمٍ أَحَقُّ أَنْ تَقُومَ فِيهِ ۚ فِيهِ رِجَالٌ يُحِبُّونَ أَنْ يَتَطَهَّرُوا ۚ وَاللَّهُ يُحِبُّ الْمُطَّهِّرِينَ
ha joogsan dhexdiisa waligaa Masaajid lagu billabay maalintii horaba Dhawrsasho yaa mudan inaad joogsato Dhexdiisa (Masaajidka Nabiga iyo Quba) waxaa dhex jooga Niman jecel inay is Daahiriyaan Eebana wuu jecel yahay Kuwa is daahiriya.

Choose other languages: