Quran Apps in many lanuages:

Surah Ar-Rum Ayahs #37 Translated in Somali

وَإِذَا مَسَّ النَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا رَبَّهُمْ مُنِيبِينَ إِلَيْهِ ثُمَّ إِذَا أَذَاقَهُمْ مِنْهُ رَحْمَةً إِذَا فَرِيقٌ مِنْهُمْ بِرَبِّهِمْ يُشْرِكُونَ
hadduu Dadka taabto dhib waxay baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood.
لِيَكْفُرُوا بِمَا آتَيْنَاهُمْ ۚ فَتَمَتَّعُوا فَسَوْفَ تَعْلَمُونَ
si ay uga gaaloobaan waxaan siinney, iska raaxaysta, waadna ogaandoontaan Cidhibta raaxadaasi.
أَمْ أَنْزَلْنَا عَلَيْهِمْ سُلْطَانًا فَهُوَ يَتَكَلَّمُ بِمَا كَانُوا بِهِ يُشْرِكُونَ
mise waxaan ku soo dejiney xujo, oo ku hadli waxay Eebe la wadaajin.
وَإِذَا أَذَقْنَا النَّاسَ رَحْمَةً فَرِحُوا بِهَا ۖ وَإِنْ تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ إِذَا هُمْ يَقْنَطُونَ
haddaan dhadhansiino dadka naxariis way ku farxi «kibraan» hadduu dhibku dhacana waxay hor marsadeen darteed way quustaan.
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَنْ يَشَاءُ وَيَقْدِرُ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
miyeyna arkayn in Eebe u waasiciyo rizqiga cidduudoono, kuna cidhiidhyo (Cidduu doono) arrintaasna Calaamooyinbaa ugu sugan kuwa rumeyn (Xaqa).

Choose other languages: