Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Maeda Ayahs #102 Translated in Somali

اعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ وَأَنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ
Ogaada in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay Eebana yahay Dambi Dhaafe Naxariista.
مَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ ۗ وَاللَّهُ يَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا تَكْتُمُونَ
Ma Saarra Rasuulka waxaan Gaadhsiin ahayn, Eebana waa Ogyahy waxaad Muujinaysaan iyo waxaad Qarinaysaan.
قُلْ لَا يَسْتَوِي الْخَبِيثُ وَالطَّيِّبُ وَلَوْ أَعْجَبَكَ كَثْرَةُ الْخَبِيثِ ۚ فَاتَّقُوا اللَّهَ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
Waxaad Dhahdaa (Nabiyow) ma eka wax Xun iyo Wax Fiican Aadba la yaabtid Badnida kan Xune, kana dhawrsada Eebe Dadka Caqliga lahow inaad Liibaantaan.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَسْأَلُوا عَنْ أَشْيَاءَ إِنْ تُبْدَ لَكُمْ تَسُؤْكُمْ وَإِنْ تَسْأَلُوا عَنْهَا حِينَ يُنَزَّلُ الْقُرْآنُ تُبْدَ لَكُمْ عَفَا اللَّهُ عَنْهَا ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ حَلِيمٌ
Kuwa Xaqa Rumeeyow ha Warsanina waxyaalo Haddii Laydiin Muujiyo idin Murug Galin, Haddaana Warsataan marka Quraanka la soo Dejin waa Laydiin Muujin, wuuna idinka Cafiyey Eebe Xaggeeda ILaahayna waa Dambi Dhaafe Dulbadan
قَدْ سَأَلَهَا قَوْمٌ مِنْ قَبْلِكُمْ ثُمَّ أَصْبَحُوا بِهَا كَافِرِينَ
Waxaa warsaday Qoom idinka Horreeyey Markaasay Noqdeen Kuwo ka Gaalooba (Markii loo Muujiyey).

Choose other languages: