Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Maeda Ayahs #48 Translated in Somali

إِنَّا أَنْزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ ۚ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِنْ كِتَابِ اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ ۚ فَلَا تَخْشَوُا النَّاسَ وَاخْشَوْنِ وَلَا تَشْتَرُوا بِآيَاتِي ثَمَنًا قَلِيلًا ۚ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ
Anagaa soo Dejinay Tawreed oo Dhexdeeda ku suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u Hogaansamay Eebe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray madaxdii iyo Culimadii wixii laga Doonay inay ILaaliyaan oo Kitaabka Eebe ahm waxay ku ahaayeen Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka ee iga Cabsada ani, hana ku Gadanina Aayaadkayga Lacag (Qiimo) Yar. Ciddaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa Gaalo uun.
وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالْأَنْفَ بِالْأَنْفِ وَالْأُذُنَ بِالْأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ قِصَاصٌ ۚ فَمَنْ تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَهُ ۚ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ
Waxaan ku Faralyeelay korkooda in Nafta (Loo qisaaso) Nafta, ishana Isha, Sankana Sanka, Dhagtana Dhagta, ILigana ILiga, Nabaradana waa laysu Qisaasi, Ciddii iska Sadaqaysata (Samaxda) waxay u Noqon Kafaaro (Dambi Dhaaf) Cidaanse Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe kuwaasi waa Daalimiin uun.
وَقَفَّيْنَا عَلَىٰ آثَارِهِمْ بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ التَّوْرَاةِ ۖ وَآتَيْنَاهُ الْإِنْجِيلَ فِيهِ هُدًى وَنُورٌ وَمُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ التَّوْرَاةِ وَهُدًى وَمَوْعِظَةً لِلْمُتَّقِينَ
Waxaana Raacsiinay Raadkoodii ciise Ibnu Maryama Isagoo Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyey oo Tawreeda Hanuun iyo Waanana u ah kuwa Dhawrsada.
وَلْيَحْكُمْ أَهْلُ الْإِنْجِيلِ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فِيهِ ۚ وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
Ila Xukumeen Ehelka Injiil wuxuu ku soo Dejiyey Eebe Dhexdiisa, Cidaan Xukumin wuxuu soo Dejiyey Eebe waa Mid Faasiq ah uun.
وَأَنْزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ الْكِتَابِ وَمُهَيْمِنًا عَلَيْهِ ۖ فَاحْكُمْ بَيْنَهُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ عَمَّا جَاءَكَ مِنَ الْحَقِّ ۚ لِكُلٍّ جَعَلْنَا مِنْكُمْ شِرْعَةً وَمِنْهَاجًا ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَٰكِنْ لِيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آتَاكُمْ ۖ فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ ۚ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ
Waxaana kugu Soo Dejiyey Kitaabka Xaqa Isagoo Rumayn wixii ka Horeeyey oo Kitaab ah. Isagoo Marag iyo ILaaliye u ah, ee ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dejiyey Eebe hana ka Raacin Hawadooda waxa kuu Yimid oo Xaq ah, Dhammaan waxaan u Yeellay Shareeco iyo Waddo hadduu Doono Eebana wuxuu idinka Yeeli Umad kaliya, Laakiin wuu idinku Imtixaami wuxuu idin Siiyey ee u Tartama Khayrka, Xagga Eebe yey Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idiinka Warrami waxaad isku Diidanaydeen.

Choose other languages: