Surah Al-Maeda Ayahs #43 Translated in Somali
فَمَنْ تَابَ مِنْ بَعْدِ ظُلْمِهِ وَأَصْلَحَ فَإِنَّ اللَّهَ يَتُوبُ عَلَيْهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ
Ciddiise Toobad keenta Dulmigiisa ka Dib oo Fiienaada ILaahay wuu ka Toobad Aqbali, Eebana waa Dambi Dhaafe naxariista.
أَلَمْ تَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ يُعَذِّبُ مَنْ يَشَاءُ وَيَغْفِرُ لِمَنْ يَشَاءُ ۗ وَاللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Miyaadan Ogayn in Eebe u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka uuna Cadaabi Cidduu Doono, waana u dambi dhaafi Ciddu la doono Ilaahayna wax kasta wuu karaa.
يَا أَيُّهَا الرَّسُولُ لَا يَحْزُنْكَ الَّذِينَ يُسَارِعُونَ فِي الْكُفْرِ مِنَ الَّذِينَ قَالُوا آمَنَّا بِأَفْوَاهِهِمْ وَلَمْ تُؤْمِنْ قُلُوبُهُمْ ۛ وَمِنَ الَّذِينَ هَادُوا ۛ سَمَّاعُونَ لِلْكَذِبِ سَمَّاعُونَ لِقَوْمٍ آخَرِينَ لَمْ يَأْتُوكَ ۖ يُحَرِّفُونَ الْكَلِمَ مِنْ بَعْدِ مَوَاضِعِهِ ۖ يَقُولُونَ إِنْ أُوتِيتُمْ هَٰذَا فَخُذُوهُ وَإِنْ لَمْ تُؤْتَوْهُ فَاحْذَرُوا ۚ وَمَنْ يُرِدِ اللَّهُ فِتْنَتَهُ فَلَنْ تَمْلِكَ لَهُ مِنَ اللَّهِ شَيْئًا ۚ أُولَٰئِكَ الَّذِينَ لَمْ يُرِدِ اللَّهُ أَنْ يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمْ ۚ لَهُمْ فِي الدُّنْيَا خِزْيٌ ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ
Rasuulow Yeyna ka Walbahaarin kuwa ku Dag dagi Gaalnimada oo ah kuwa ku Yidhi Afkooda waan Rumaynay ooyna Rumayn Quluubtoodu, iyo kuwa Yuhuudoobay waxay maqli ogyihiin Beenta waxayna maqli Ogyihiin qoom kale oon kuu Imaanin waxayna ka leexiyaan Kalimooyinka Meelaheeda (Dhabta) waxayna Odhan haddii laydinsiiyo kan (Leexsan) qaata haddaanse laydin siinin ka Digtoonaada, Ruxuu Doono Eebe Ibtilayntiisa waxba ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwaan Eebe la Doonin inuu Daahiriyo quluubtooda, waxayna Mudan adduunka Dulli Aakharana waxay mudan Cadaab wayn.
سَمَّاعُونَ لِلْكَذِبِ أَكَّالُونَ لِلسُّحْتِ ۚ فَإِنْ جَاءُوكَ فَاحْكُمْ بَيْنَهُمْ أَوْ أَعْرِضْ عَنْهُمْ ۖ وَإِنْ تُعْرِضْ عَنْهُمْ فَلَنْ يَضُرُّوكَ شَيْئًا ۖ وَإِنْ حَكَمْتَ فَاحْكُمْ بَيْنَهُمْ بِالْقِسْطِ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ
Waxay Maqli Ogyihiin Beenta waxayna Cunid Badanyihiin Xaaraanta hadday kuu Yimaaddaana kala Xu kun Dhexdooda ama ka Jeedsohaddaad kajeedsatana Wax kaama dhibaan haddaad kala xukuntana Caddaalad kukala xukun Eebe wuxuu Jecelyahay caadiliintee.
وَكَيْفَ يُحَكِّمُونَكَ وَعِنْدَهُمُ التَّوْرَاةُ فِيهَا حُكْمُ اللَّهِ ثُمَّ يَتَوَلَّوْنَ مِنْ بَعْدِ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا أُولَٰئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ
Siday kuugu Xukuntami Iyadoo agtooda yahay Tawreed oo Xukunkii Eebe ku Yaal markaasna ay ka Jeddsan intaas ka Dib Kuwaasi ma aha Mu'Muniin.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
