Surah Al-Isra Ayahs #100 Translated in Somali
قُلْ كَفَىٰ بِاللَّهِ شَهِيدًا بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ ۚ إِنَّهُ كَانَ بِعِبَادِهِ خَبِيرًا بَصِيرًا
waxaad dhahdaa Eebaa ugu filan Marag dhedeenna, isaguna waa ogaha arka Addoomadiisa.
وَمَنْ يَهْدِ اللَّهُ فَهُوَ الْمُهْتَدِ ۖ وَمَنْ يُضْلِلْ فَلَنْ تَجِدَ لَهُمْ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِهِ ۖ وَنَحْشُرُهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمْ عُمْيًا وَبُكْمًا وَصُمًّا ۖ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ ۖ كُلَّمَا خَبَتْ زِدْنَاهُمْ سَعِيرًا
Cidduu Eebe Hanuuniyo umbaa hanuunsan, cidduu Dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo hadhay, waxaana ku soo kulminaynaa Qiyaamada Wajigooda iyagoo Indho la' oo hadal la' oo Dhaga la', Hooygooduna waa Jahannamo, markastooy Dantana waxaan u siyaadinaa Shidi (Hurin).
ذَٰلِكَ جَزَاؤُهُمْ بِأَنَّهُمْ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا وَقَالُوا أَإِذَا كُنَّا عِظَامًا وَرُفَاتًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ خَلْقًا جَدِيدًا
taasina waa Abaalkooda ah inay ka gaaloobeen Aayaadkanaga, oy dheheen markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nala soo bixin Abuur Cusub.
أَوَلَمْ يَرَوْا أَنَّ اللَّهَ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ قَادِرٌ عَلَىٰ أَنْ يَخْلُقَ مِثْلَهُمْ وَجَعَلَ لَهُمْ أَجَلًا لَا رَيْبَ فِيهِ فَأَبَى الظَّالِمُونَ إِلَّا كُفُورًا
miyeyna ogayn Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka inuu karo inuu Abuuro wax la mida una yeelo muddo aan shaki lahayn, wayse diideen Daalimiintii Gaalimo mooyee (wax kale).
قُلْ لَوْ أَنْتُمْ تَمْلِكُونَ خَزَائِنَ رَحْمَةِ رَبِّي إِذًا لَأَمْسَكْتُمْ خَشْيَةَ الْإِنْفَاقِ ۚ وَكَانَ الْإِنْسَانُ قَتُورًا
waxaad dhadaa idinku haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Eebahay waad xajisan lahaydeen ka cabsi faqri, Dadku waa Bakhayl.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
