Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #42 Translated in Somali

كُلُّ ذَٰلِكَ كَانَ سَيِّئُهُ عِنْدَ رَبِّكَ مَكْرُوهًا
Dhammaan waxaasna Xumaantiisu Eebahaa Agtiisa waa lagu Neceb yahay.
ذَٰلِكَ مِمَّا أَوْحَىٰ إِلَيْكَ رَبُّكَ مِنَ الْحِكْمَةِ ۗ وَلَا تَجْعَلْ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَتُلْقَىٰ فِي جَهَنَّمَ مَلُومًا مَدْحُورًا
Arrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la jirkiisa Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey.
أَفَأَصْفَاكُمْ رَبُّكُمْ بِالْبَنِينَ وَاتَّخَذَ مِنَ الْمَلَائِكَةِ إِنَاثًا ۚ إِنَّكُمْ لَتَقُولُونَ قَوْلًا عَظِيمًا
ma wuxuu idiin doortay Eebihiin Wiilal oos ka yeeshay Malaa'igta gabdho idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn.
وَلَقَدْ صَرَّفْنَا فِي هَٰذَا الْقُرْآنِ لِيَذَّكَّرُوا وَمَا يَزِيدُهُمْ إِلَّا نُفُورًا
dhab ahaan waan ku Caddaynay (gagadinay) quraankan (wax badan) inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn.
قُلْ لَوْ كَانَ مَعَهُ آلِهَةٌ كَمَا يَقُولُونَ إِذًا لَابْتَغَوْا إِلَىٰ ذِي الْعَرْشِ سَبِيلًا
waxaad dhahdaa hadduu la jiro Eebe Ilaah kale siday sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebaha Carshiga leh jid (Cibaado ama la mid noqosho).

Choose other languages: