Surah Al-Hashr Ayahs #15 Translated in Somali
أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ نَافَقُوا يَقُولُونَ لِإِخْوَانِهِمُ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَئِنْ أُخْرِجْتُمْ لَنَخْرُجَنَّ مَعَكُمْ وَلَا نُطِيعُ فِيكُمْ أَحَدًا أَبَدًا وَإِنْ قُوتِلْتُمْ لَنَنْصُرَنَّكُمْ وَاللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ
Ma ogtahay in kuwii Munaafiqiinta ahaa ay ku dhihi kuwii gaaloobay ee Yuhuudda ahaa haddii laydin bixiyo waan idinla jiraynaa Cid aan idiin maqlaynana ma jiro waligeed, haddii laydinla dagaallamana waan idiin gargaaraynaa, Ilaahayna waa ogyahay inay Beenaalayaal yihiin.
لَئِنْ أُخْرِجُوا لَا يَخْرُجُونَ مَعَهُمْ وَلَئِنْ قُوتِلُوا لَا يَنْصُرُونَهُمْ وَلَئِنْ نَصَرُوهُمْ لَيُوَلُّنَّ الْأَدْبَارَ ثُمَّ لَا يُنْصَرُونَ
Haddii la bixiyo Yuhuudda lama baxaayaan haddii lala dagaallamana uma gargaarayaan hadday isku dayaan inay u gargaaraanna way carari loomana gargaarayo.
لَأَنْتُمْ أَشَدُّ رَهْبَةً فِي صُدُورِهِمْ مِنَ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَفْقَهُونَ
Mu'miniinta yey uga cabsi badan yihiin Yuhuuddu Ilaahay, maxaa yeelay waa dad aan wax garad ahayn.
لَا يُقَاتِلُونَكُمْ جَمِيعًا إِلَّا فِي قُرًى مُحَصَّنَةٍ أَوْ مِنْ وَرَاءِ جُدُرٍ ۚ بَأْسُهُمْ بَيْنَهُمْ شَدِيدٌ ۚ تَحْسَبُهُمْ جَمِيعًا وَقُلُوبُهُمْ شَتَّىٰ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَا يَعْقِلُونَ
Kuwa xaqa rumeeyeyna lama dagaallami karaan «dhufaysyo iyo Gidaaro dhexdood mooyee» dhibka dhexdooda ahna waa daranyahay quluubtooduna waa kala tagsan tahay, maxaa yeelay waa dad aan wax kasayn.
كَمَثَلِ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ قَرِيبًا ۖ ذَاقُوا وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waxay la mid yihiin gaaladii dhawaa ee ka horreeyey ee dhadhamiyey cidhibtii camalkooda, Cadaab daranna u sugnaaday.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
