Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Fath Ayahs #10 Translated in Somali

وَيُعَذِّبَ الْمُنَافِقِينَ وَالْمُنَافِقَاتِ وَالْمُشْرِكِينَ وَالْمُشْرِكَاتِ الظَّانِّينَ بِاللَّهِ ظَنَّ السَّوْءِ ۚ عَلَيْهِمْ دَائِرَةُ السَّوْءِ ۖ وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ وَلَعَنَهُمْ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَهَنَّمَ ۖ وَسَاءَتْ مَصِيرًا
iyo inuu caddibo munaafiqiinta Rag iyo Haweeenba, iyo mushrikiinta (gaalada) rag iyo haweenba, Eebana u maleeyey mala xun, xumaantu korkooda ha ku wareegto, Eebana Ha u cadhoodo, hana lacnado, hana u darbo Naarta Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
وَلِلَّهِ جُنُودُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا
Eebaa iska leh Junuudda ku sugan Samaawaadka iyo Dhulka, Eebana waa adkaade falsan.
إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ شَاهِدًا وَمُبَشِّرًا وَنَذِيرًا
Annagaa ku dirray Nabiyow adigoo marag ah, Bishaareeye Digena ah.
لِتُؤْمِنُوا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَتُعَزِّرُوهُ وَتُوَقِّرُوهُ وَتُسَبِّحُوهُ بُكْرَةً وَأَصِيلًا
Si aad dadow Eebe u rumaysaan iyo Rasuulkiisa uguna gargaartaan, una waynaysaan, Eebana ugu tasbiixsataan Aroor iyo Galabba.
إِنَّ الَّذِينَ يُبَايِعُونَكَ إِنَّمَا يُبَايِعُونَ اللَّهَ يَدُ اللَّهِ فَوْقَ أَيْدِيهِمْ ۚ فَمَنْ نَكَثَ فَإِنَّمَا يَنْكُثُ عَلَىٰ نَفْسِهِ ۖ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِمَا عَاهَدَ عَلَيْهُ اللَّهَ فَسَيُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا
Kuwa Nabiyow kula ballamaya waxay la ballamayaan uun Eebe, ballanna ka qaadeen, Ruuxiise burriya Naftiisa umbuu ku buriyay, Ruuxii oofiyana wuxuu Eebe kula ballamay wuxuu siin Ajri wayn.

Choose other languages: