Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Fath Ayahs #18 Translated in Somali

وَلِلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ يَغْفِرُ لِمَنْ يَشَاءُ وَيُعَذِّبُ مَنْ يَشَاءُ ۚ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا
Eebaa iska leh xukunka waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan, wuxuuna u dambi dhaafi cidduu doono, wuxuu caddibi cidduu doono, waana dambi dhaafe naxariiste ah.
سَيَقُولُ الْمُخَلَّفُونَ إِذَا انْطَلَقْتُمْ إِلَىٰ مَغَانِمَ لِتَأْخُذُوهَا ذَرُونَا نَتَّبِعْكُمْ ۖ يُرِيدُونَ أَنْ يُبَدِّلُوا كَلَامَ اللَّهِ ۚ قُلْ لَنْ تَتَّبِعُونَا كَذَٰلِكُمْ قَالَ اللَّهُ مِنْ قَبْلُ ۖ فَسَيَقُولُونَ بَلْ تَحْسُدُونَنَا ۚ بَلْ كَانُوا لَا يَفْقَهُونَ إِلَّا قَلِيلًا
Waxay idinku odhan kuwii dib maray markaad qaniimo aadaan si aad u soo qaadataan nadaaya aan idin raacnee, iyagoo dooni inay baddalaan hadalka Eebe, waxaad dhahdaa naraaci maysaan Eebaana sidaa yidhi mar hore, waxayse dhihi waad na xasdaysaan, waase kuwo aan wax kasaynin in yar mooyeen.
قُلْ لِلْمُخَلَّفِينَ مِنَ الْأَعْرَابِ سَتُدْعَوْنَ إِلَىٰ قَوْمٍ أُولِي بَأْسٍ شَدِيدٍ تُقَاتِلُونَهُمْ أَوْ يُسْلِمُونَ ۖ فَإِنْ تُطِيعُوا يُؤْتِكُمُ اللَّهُ أَجْرًا حَسَنًا ۖ وَإِنْ تَتَوَلَّوْا كَمَا تَوَلَّيْتُمْ مِنْ قَبْلُ يُعَذِّبْكُمْ عَذَابًا أَلِيمًا
Waxaad ku dhahdaa Nabiyow kuwa dib maray ee Ree baadiyaha ah waxaa laydinku yeedhi kuwa xoog badan oo daran inaad la dagaallantaan intay ka islaamaan, haddaadse addeecdaan wuxuu Eebe idin siin ajri fiican, haddaadse jeedsataan saad horayba ugu jeedsateen wuu idin caddibi caddibaad daran.
لَيْسَ عَلَى الْأَعْمَىٰ حَرَجٌ وَلَا عَلَى الْأَعْرَجِ حَرَجٌ وَلَا عَلَى الْمَرِيضِ حَرَجٌ ۗ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ يُدْخِلْهُ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ وَمَنْ يَتَوَلَّ يُعَذِّبْهُ عَذَابًا أَلِيمًا
Ruux Indha la' korkiisa dhib (Jahaad) ma saarra iyo ka naafada ah iyo kan buka, Ruuxiise Eebe addeeca iyo Rasuulkiisa wuxuu galin Jannooyin ay dhexdureeri Wabiyaal, Ruuxiise jeedsada wuu caddibi caddibaad daran.
لَقَدْ رَضِيَ اللَّهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَنْزَلَ السَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَابَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا
Eebe wuu ka raalli noqday mu'miniinta markay kugula ballantamayeen Nabiyow Geedka hoostiisa, Eebana waa ogaaday waxa Quluubtooda ku sugan, wuxuuna ku dajiyay xasilooni, wuxuuna ku abaal marin fatxi (nasri) dhaw.

Choose other languages: