Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #238 Translated in Somali

وَالَّذِينَ يُتَوَفَّوْنَ مِنْكُمْ وَيَذَرُونَ أَزْوَاجًا يَتَرَبَّصْنَ بِأَنْفُسِهِنَّ أَرْبَعَةَ أَشْهُرٍ وَعَشْرًا ۖ فَإِذَا بَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ فِيمَا فَعَلْنَ فِي أَنْفُسِهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
kuwa la oofsado (Dhinto) oo idinka mid ah oo ka taga Haween waxay sugi (Ciddo) naftoodu afar bilood iyo toban bari, markay gaadhaan mudadoodana wax dhib ah idinkama saarra waxay ku falaan naftooda si fiican, Eebana waxaad falaysaan waa ogyahay.
وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ فِيمَا عَرَّضْتُمْ بِهِ مِنْ خِطْبَةِ النِّسَاءِ أَوْ أَكْنَنْتُمْ فِي أَنْفُسِكُمْ ۚ عَلِمَ اللَّهُ أَنَّكُمْ سَتَذْكُرُونَهُنَّ وَلَٰكِنْ لَا تُوَاعِدُوهُنَّ سِرًّا إِلَّا أَنْ تَقُولُوا قَوْلًا مَعْرُوفًا ۚ وَلَا تَعْزِمُوا عُقْدَةَ النِّكَاحِ حَتَّىٰ يَبْلُغَ الْكِتَابُ أَجَلَهُ ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ يَعْلَمُ مَا فِي أَنْفُسِكُمْ فَاحْذَرُوهُ ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ غَفُورٌ حَلِيمٌ
dhib (dambi) korkiinna ma aha waxaad sarbeebtaan oo hadal Haween ah (doonid) ama aad ku qarisaan naftiina, Eebe waa ogyahay inaad sheegaysaan Haweenkaas, laakiin hawgu yaboohina qarsoodi inaad dhahaysaan hadal fiican mooyee, ha goynin (ha u qasdina) xidhidda guurka intuu ka gaadho Kitaabku «ciddu» Watigooda ogaadana in Eebe ogyahay waxa naftii na ku sugan ee ku digtoonaada, ogaadana in Eebe dambi dhaafe dulsan yahay.
لَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِنْ طَلَّقْتُمُ النِّسَاءَ مَا لَمْ تَمَسُّوهُنَّ أَوْ تَفْرِضُوا لَهُنَّ فَرِيضَةً ۚ وَمَتِّعُوهُنَّ عَلَى الْمُوسِعِ قَدَرُهُ وَعَلَى الْمُقْتِرِ قَدَرُهُ مَتَاعًا بِالْمَعْرُوفِ ۖ حَقًّا عَلَى الْمُحْسِنِينَ
dhib ma saaro korkiina hadaad Haweenka furtaan idinkoon taaban ama u qardarin meher, ugu deeqa kii hodona qaddarkiisa kan cidhiidhyanna qaddarkiisa, waa raaxayn wanaag ah oo xaq ku ah kuwa dhawrsada.
وَإِنْ طَلَّقْتُمُوهُنَّ مِنْ قَبْلِ أَنْ تَمَسُّوهُنَّ وَقَدْ فَرَضْتُمْ لَهُنَّ فَرِيضَةً فَنِصْفُ مَا فَرَضْتُمْ إِلَّا أَنْ يَعْفُونَ أَوْ يَعْفُوَ الَّذِي بِيَدِهِ عُقْدَةُ النِّكَاحِ ۚ وَأَنْ تَعْفُوا أَقْرَبُ لِلتَّقْوَىٰ ۚ وَلَا تَنْسَوُا الْفَضْلَ بَيْنَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
haddaad furtaan Haweennka taabasho ka hor idinkoo wax (Merher ah) u qaddaray waxay mudan kala badhka waxaad qaddarteen, inay bafiyaan mooyee ama uu cafiyo midka gacantiisu xidhidda nikaaxu ku jiro, (waa ninka ama waliga) haddaad iska cafisaan yaa u dhowse dhawrsa shada, hana halmaamina fadliga (dheeraadka) dhexdiina ah, Eebana waxaad camalfalaysaan wuu arkaa.
حَافِظُوا عَلَى الصَّلَوَاتِ وَالصَّلَاةِ الْوُسْطَىٰ وَقُومُوا لِلَّهِ قَانِتِينَ
xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci).

Choose other languages: