Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #213 Translated in Somali

فَإِنْ زَلَلْتُمْ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَتْكُمُ الْبَيِّنَاتُ فَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
haddaad simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade falsan.
هَلْ يَنْظُرُونَ إِلَّا أَنْ يَأْتِيَهُمُ اللَّهُ فِي ظُلَلٍ مِنَ الْغَمَامِ وَالْمَلَائِكَةُ وَقُضِيَ الْأَمْرُ ۚ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ
miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo Malaa'igtu lana xukumo amarka, xagga Eebaana loo celin umuuraha.
سَلْ بَنِي إِسْرَائِيلَ كَمْ آتَيْنَاهُمْ مِنْ آيَةٍ بَيِّنَةٍ ۗ وَمَنْ يُبَدِّلْ نِعْمَةَ اللَّهِ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَتْهُ فَإِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ
waydii Banii Israa'iil imisaan siinay Aayad Cad, ciddii badasha Nicmada Eebe intay u timid, Eebe Ciqaabtiisu waa ku darantahay.
زُيِّنَ لِلَّذِينَ كَفَرُوا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا وَيَسْخَرُونَ مِنَ الَّذِينَ آمَنُوا ۘ وَالَّذِينَ اتَّقَوْا فَوْقَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ وَاللَّهُ يَرْزُقُ مَنْ يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ
waxaa loo qurxiyey kuwa Gaaloobay Nolosha dhaw ee adduun, waxayna ku jees jeesaan kuwa rumeeyey xaqa, kuwa dhawrsada iyagaana ka sarrayn Maalinta Qiyaame, Eebana wuu Arzaaqaa cidduu doono Xisaab la'aan.
كَانَ النَّاسُ أُمَّةً وَاحِدَةً فَبَعَثَ اللَّهُ النَّبِيِّينَ مُبَشِّرِينَ وَمُنْذِرِينَ وَأَنْزَلَ مَعَهُمُ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِيَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ فِيمَا اخْتَلَفُوا فِيهِ ۚ وَمَا اخْتَلَفَ فِيهِ إِلَّا الَّذِينَ أُوتُوهُ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَتْهُمُ الْبَيِّنَاتُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ ۖ فَهَدَى اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا لِمَا اخْتَلَفُوا فِيهِ مِنَ الْحَقِّ بِإِذْنِهِ ۗ وَاللَّهُ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ إِلَىٰ صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ
dadky wuxuu ahaa ummad kaloya, wuxuuna Eebe u bixiyey Nabiyo u bishaareeya una diga, wuxuuna la soo dajiyey Kitaab Xaq ah, si ay ugu xukumaan Dadka dhexdiisa waxay isku khilaafaan, iskumana khilaafin dhexdiisa kuwii la siiyey mooyee intay u yimaadaan xujooyin, Xasad dhexdooda ah dartiis, wuxuuna ku hanuuniyey Eebe waxay isku kihlafeen oo Xaq ah idankiisa kuwii rumeeyey, Eebana wa ku hanuuniyaa Ciddu doono Jidkiisa toosan.

Choose other languages: