Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #51 Translated in Somali

وَإِذَا صُرِفَتْ أَبْصَارُهُمْ تِلْقَاءَ أَصْحَابِ النَّارِ قَالُوا رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا مَعَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ
Markii loo Jeediyo Wajigooda Xagga Ehelu Naarka waxay Dhahaaan Eebow ha na yeelin la Jirka Daalimiinta.
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ الْأَعْرَافِ رِجَالًا يَعْرِفُونَهُمْ بِسِيمَاهُمْ قَالُوا مَا أَغْنَىٰ عَنْكُمْ جَمْعُكُمْ وَمَا كُنْتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ
Waxay u Dhawaaqayaan Dadka Acraafku Dad ay ku garan Calaamaddooda, waxayna ku Odhan waxba idiinma tarin badnaantiinii (Kulankiinnii) iyo Waxaad isku Kibrinayseen.
أَهَٰؤُلَاءِ الَّذِينَ أَقْسَمْتُمْ لَا يَنَالُهُمُ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ ۚ ادْخُلُوا الْجَنَّةَ لَا خَوْفٌ عَلَيْكُمْ وَلَا أَنْتُمْ تَحْزَنُونَ
Ma kuwanaa kuwaad ku Dhaarateen inaan Eebe Gaadhsiinayn (Siinayn) Naxariis (Waxaana lagu Odhan) Gala Janada idinkoon Cabsi iyo Walbahaar midna Arkayn.
وَنَادَىٰ أَصْحَابُ النَّارِ أَصْحَابَ الْجَنَّةِ أَنْ أَفِيضُوا عَلَيْنَا مِنَ الْمَاءِ أَوْ مِمَّا رَزَقَكُمُ اللَّهُ ۚ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ حَرَّمَهُمَا عَلَى الْكَافِرِينَ
Waxay u Dhawaaqi Ehelu Naarku Ehelu Jannaha (Iyagoo dhihi) Noogu soo Deeqa Biyaha ama waxa Eebe idinku Arzaaqay, waxayna Dhahaan Eebe wuu ka Xarrimay Labadaas Gaalada.
الَّذِينَ اتَّخَذُوا دِينَهُمْ لَهْوًا وَلَعِبًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۚ فَالْيَوْمَ نَنْسَاهُمْ كَمَا نَسُوا لِقَاءَ يَوْمِهِمْ هَٰذَا وَمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ
Ee ah kuwa ka Yeeshay Diintooda Madadalo iyo Ciyaar, oyna Dhagartay Nolosha Adduunyo, Maanta wuu ku Dayn Naarta siday u Halmaameen la Kulanka Maalintan, iyo Diidooda Aayaadkanaga Dartiis.

Choose other languages: