Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #27 Translated in Somali

قَالَا رَبَّنَا ظَلَمْنَا أَنْفُسَنَا وَإِنْ لَمْ تَغْفِرْ لَنَا وَتَرْحَمْنَا لَنَكُونَنَّ مِنَ الْخَاسِرِينَ
Waxayna Dheheen Eebow waxaan Dulminay Naftanada Haddaadan noo Dambi Dhaafin oodan oo Naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.
قَالَ اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ
Wuxuu Yidhi Eebe ka dega Qaarkiin Qaarbuu Col u yahaye, waxaan Dhulka idiinku Sugan Nagaadi iyo Raaxo tan iyo Muddo.
قَالَ فِيهَا تَحْيَوْنَ وَفِيهَا تَمُوتُونَ وَمِنْهَا تُخْرَجُونَ
Wuxxuna Yidhi Eebe Dhexdiisaad ku Noolaanaysaan Dhexdiisaana ku Dhimanaysaan Xaggiisaana laydinka soo Bixin.
يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنْزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْآتِكُمْ وَرِيشًا ۖ وَلِبَاسُ التَّقْوَىٰ ذَٰلِكَ خَيْرٌ ۚ ذَٰلِكَ مِنْ آيَاتِ اللَّهِ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُونَ
Banii Aadamow waxaan idiin soo Dejinay Dhar Astura Xumaantiinna (Cawrada) iyo Labbis (Xarago) Dharka Dhawrsashada yaase Khayr roon, Kaasina waa Aayaadka Eebe inay Dadku wax Xusuustaan.
يَا بَنِي آدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ كَمَا أَخْرَجَ أَبَوَيْكُمْ مِنَ الْجَنَّةِ يَنْزِعُ عَنْهُمَا لِبَاسَهُمَا لِيُرِيَهُمَا سَوْآتِهِمَا ۗ إِنَّهُ يَرَاكُمْ هُوَ وَقَبِيلُهُ مِنْ حَيْثُ لَا تَرَوْنَهُمْ ۗ إِنَّا جَعَلْنَا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ
Banii Aadamow Yuusan idin Fidnayn Shaydaan siduu uga soo Bixiyey Labadiinii Waalid Jannada, isagoo ka siibi Dharkoodii inuu Tusiyo Xumaantooda (Cawrada) wuu idin Arkaa isaga iyo Colkiisu idinkuse ma aragtaan, waxaana uga Yeelay Shaydaanka Sokeeya kuwaan Rumeynin Xaqa.

Choose other languages: