Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Ankabut Ayahs #53 Translated in Somali

بَلْ هُوَ آيَاتٌ بَيِّنَاتٌ فِي صُدُورِ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ ۚ وَمَا يَجْحَدُ بِآيَاتِنَا إِلَّا الظَّالِمُونَ
waase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi aayaadkanaga oon daalimiinta ahayna ma jiro.
وَقَالُوا لَوْلَا أُنْزِلَ عَلَيْهِ آيَاتٌ مِنْ رَبِّهِ ۖ قُلْ إِنَّمَا الْآيَاتُ عِنْدَ اللَّهِ وَإِنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُبِينٌ
waxay dhaheen gaaladii (Makaad) maxaa loogu dajinwaayey korkiisa aayado xagga Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa aniguse waxaan uun ahay udige muuqda.
أَوَلَمْ يَكْفِهِمْ أَنَّا أَنْزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ يُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَرَحْمَةً وَذِكْرَىٰ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
miyuusanse ku fileyn inaan kugu soo dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu akhriyo korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa).
قُلْ كَفَىٰ بِاللَّهِ بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ شَهِيدًا ۖ يَعْلَمُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۗ وَالَّذِينَ آمَنُوا بِالْبَاطِلِ وَكَفَرُوا بِاللَّهِ أُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ
waxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil kana gaaloobay Eebe kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray.
وَيَسْتَعْجِلُونَكَ بِالْعَذَابِ ۚ وَلَوْلَا أَجَلٌ مُسَمًّى لَجَاءَهُمُ الْعَذَابُ وَلَيَأْتِيَنَّهُمْ بَغْتَةً وَهُمْ لَا يَشْعُرُونَ
waxay kaa dadajisan Cadaab, haddaynajirin muddo magacaaban waxaa u imaan lahaa Cadaabka, wuxuuna ugu imaanlahaa kado iyagoon ogayn.

Choose other languages: