Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anfal Ayahs #31 Translated in Somali

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ وَتَخُونُوا أَمَانَاتِكُمْ وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ
Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Khayaamina Eebe iyo Rasuulka iyo Ammaanadiinna idinkoo Og.
وَاعْلَمُوا أَنَّمَا أَمْوَالُكُمْ وَأَوْلَادُكُمْ فِتْنَةٌ وَأَنَّ اللَّهَ عِنْدَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ
Odaadana in Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu Fidno uun yihiin oo Eebe Agtiisa Ajir wayn yahay.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ تَتَّقُوا اللَّهَ يَجْعَلْ لَكُمْ فُرْقَانًا وَيُكَفِّرْ عَنْكُمْ سَيِّئَاتِكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ
Kuwa (XAQA) Rumeeyow haddaad ka Dhawrsataan Eebe wuxuu idiin yeeli Faraj (iyo Nabadgalyo) wuxuuna Asturi Xumaantiinna «Dambigiinna», Wuuna idiin Dhaafi Eebana waa Fadli Wayne.
وَإِذْ يَمْكُرُ بِكَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِيُثْبِتُوكَ أَوْ يَقْتُلُوكَ أَوْ يُخْرِجُوكَ ۚ وَيَمْكُرُونَ وَيَمْكُرُ اللَّهُ ۖ وَاللَّهُ خَيْرُ الْمَاكِرِينَ
Xusuuso (Nabiyow) markay ku dhakrayeen Kuwii Gaaloobay inay ku Xidhaan, ama ku Dilaan ama ku Bixiyaan, way ku Dhakrayeen Eebaase ka abaal marin isagaana Abaal mariye Khayr roona ah.
وَإِذَا تُتْلَىٰ عَلَيْهِمْ آيَاتُنَا قَالُوا قَدْ سَمِعْنَا لَوْ نَشَاءُ لَقُلْنَا مِثْلَ هَٰذَا ۙ إِنْ هَٰذَا إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ
Marka lagu Akhriyo Aayaadkanaga waxay Dhahaan waan maqallay haddaan doonana waan Dhahaynaa kanoo kale (Quraanka) kanu waxaan warkii kuwii hore ahayn ma aha.

Choose other languages: