Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anbiya Ayahs #85 Translated in Somali

وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِي بِأَمْرِهِ إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيْءٍ عَالِمِينَ
Suleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og.
وَمِنَ الشَّيَاطِينِ مَنْ يَغُوصُونَ لَهُ وَيَعْمَلُونَ عَمَلًا دُونَ ذَٰلِكَ ۖ وَكُنَّا لَهُمْ حَافِظِينَ
Shaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna.
وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنْتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ
(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane.
فَاسْتَجَبْنَا لَهُ فَكَشَفْنَا مَا بِهِ مِنْ ضُرٍّ ۖ وَآتَيْنَاهُ أَهْلَهُ وَمِثْلَهُمْ مَعَهُمْ رَحْمَةً مِنْ عِنْدِنَا وَذِكْرَىٰ لِلْعَابِدِينَ
Waana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka.
وَإِسْمَاعِيلَ وَإِدْرِيسَ وَذَا الْكِفْلِ ۖ كُلٌّ مِنَ الصَّابِرِينَ
Xusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.

Choose other languages: