Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #62 Translated in Somali

قُلْ لَوْ أَنَّ عِنْدِي مَا تَسْتَعْجِلُونَ بِهِ لَقُضِيَ الْأَمْرُ بَيْنِي وَبَيْنَكُمْ ۗ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِالظَّالِمِينَ
Waxaad Dhahdaa hadduu Yahay agtayda waxaad Dedejisanaysaan (Cigabta) waxaa Ia kala Xukumi Lahaa Dhexdeenna Eebana waa Ogyahay Daalimiinta.
وَعِنْدَهُ مَفَاتِحُ الْغَيْبِ لَا يَعْلَمُهَا إِلَّا هُوَ ۚ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۚ وَمَا تَسْقُطُ مِنْ وَرَقَةٍ إِلَّا يَعْلَمُهَا وَلَا حَبَّةٍ فِي ظُلُمَاتِ الْأَرْضِ وَلَا رَطْبٍ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُبِينٍ
Eebe Agtiisa waxaa ah Furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna Ogyahay waxa Barriga iyo Badda ku Sugan, wixii Caleena oo Dhacdana wuu Ogyahay, Xabbad Masaga ah oo Mugdiga Dhulka ku Sugan iyo wixii Qoyan ama Ingagan waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
وَهُوَ الَّذِي يَتَوَفَّاكُمْ بِاللَّيْلِ وَيَعْلَمُ مَا جَرَحْتُمْ بِالنَّهَارِ ثُمَّ يَبْعَثُكُمْ فِيهِ لِيُقْضَىٰ أَجَلٌ مُسَمًّى ۖ ثُمَّ إِلَيْهِ مَرْجِعُكُمْ ثُمَّ يُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ
Eebe waa kan idin Oofsada Habeenkii ogna waxaad Fashaan Maalintii Markaasna idin soo Bixiya in la Xukumo Ajal Magacaaban Xaggiisaana laydiin Celin, markaasuu idiinka warami waxaad Falaysaan.
وَهُوَ الْقَاهِرُ فَوْقَ عِبَادِهِ ۖ وَيُرْسِلُ عَلَيْكُمْ حَفَظَةً حَتَّىٰ إِذَا جَاءَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ تَوَفَّتْهُ رُسُلُنَا وَهُمْ لَا يُفَرِّطُونَ
Eebe waa kan ka Sarreeya Addoomadiisa, wuxuuna idiin soo Diraa ILaaliye markuu u Yimaaddo Midkiin Mawdku waxaa Oofsata «Disha» Malaa'igtanada mana Gabood Falaan.
ثُمَّ رُدُّوا إِلَى اللَّهِ مَوْلَاهُمُ الْحَقِّ ۚ أَلَا لَهُ الْحُكْمُ وَهُوَ أَسْرَعُ الْحَاسِبِينَ
Markaasa loo Celin Dadka Xagga Sayidkooda Xaqa ah isagaana leh Xukunka Dedejiyana Xisaabta.

Choose other languages: