Surah Al-Anaam Ayahs #112 Translated in Somali
وَلَا تَسُبُّوا الَّذِينَ يَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ فَيَسُبُّوا اللَّهَ عَدْوًا بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ كَذَٰلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمْ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِمْ مَرْجِعُهُمْ فَيُنَبِّئُهُمْ بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ
Ha Caayin waxay Caabudi oo Eebe ka soo Hadhay oo Markaas iyana Caayaan Eebe Colnimo iyo Cilmi la'aan, saasaan ugu Qurxinay ummad kasto Camalkeeda Xagga Eebe Umbayna Noqoshadoodu tahay wuxuuna uga Warrami waxay Fali Jireen.
وَأَقْسَمُوا بِاللَّهِ جَهْدَ أَيْمَانِهِمْ لَئِنْ جَاءَتْهُمْ آيَةٌ لَيُؤْمِنُنَّ بِهَا ۚ قُلْ إِنَّمَا الْآيَاتُ عِنْدَ اللَّهِ ۖ وَمَا يُشْعِرُكُمْ أَنَّهَا إِذَا جَاءَتْ لَا يُؤْمِنُونَ
Waxay ku Dhaarteen Gaaladii Dhaar Adag, Hadday soo Gaadho Aayadi inay Rumaynayaan, waxaad Dhahdaa Aayaadku waxay Jiraan Eebe Agtiisa, Miyeyse Ogyihiin Hadday Aayaddu soo Gaadho inayna Rumaynayn.
وَنُقَلِّبُ أَفْئِدَتَهُمْ وَأَبْصَارَهُمْ كَمَا لَمْ يُؤْمِنُوا بِهِ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَنَذَرُهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ
Waxaannu Gaddin Quluubtooda iyo Araggooda Sidayna u rumayn, Markii horaba waxaana ku Daynanaa Iyagoo ku Wareersan Xadguddybkooda.
وَلَوْ أَنَّنَا نَزَّلْنَا إِلَيْهِمُ الْمَلَائِكَةَ وَكَلَّمَهُمُ الْمَوْتَىٰ وَحَشَرْنَا عَلَيْهِمْ كُلَّ شَيْءٍ قُبُلًا مَا كَانُوا لِيُؤْمِنُوا إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ يَجْهَلُونَ
Haddaan ku soo Dejinno Malaa'ig oo Dadkii Dhintay la Hadlo oon wax kasta Hortooda ku soo Kulminno, mayna rumeeyeen in Eebe doono mooyee, Hase Yeeshee Badankood waa Jaahiliin.
وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنْسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا ۚ وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ
Saasaan ugu Yeellay Nabi Kasta Col Shaydaan Insi iyo Jinniba leh, oo Qarkood qaarka kale u Waxyoon (Sheegi) Hadal la Dhoob-Dhoobay Dhumin Darteed. Hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Iskaga Tag iyaga iyo waxay Been-Abuuran.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
