Quran Apps in many lanuages:

Surah Fatir Ayahs #8 Translated in Somali

وَإِنْ يُكَذِّبُوكَ فَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِنْ قَبْلِكَ ۚ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ
Hadday ku beeniyaan waxaa dhab ahaan loo beeniyay rasuulladii kaa horeeyay, Eeba xagiisaana loo celin umuuraha.
يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ۖ وَلَا يَغُرَّنَّكُمْ بِاللَّهِ الْغَرُورُ
Dadaw yabooha Eebe waa xaq ee yayna idindhagrin nolasha aduunyo, yuuna idinkudhagrin Eebe ku dhagris badane (shaydaan).
إِنَّ الشَّيْطَانَ لَكُمْ عَدُوٌّ فَاتَّخِذُوهُ عَدُوًّا ۚ إِنَّمَا يَدْعُو حِزْبَهُ لِيَكُونُوا مِنْ أَصْحَابِ السَّعِيرِ
Shaydaanku waa colkiin ee idinna col ka yeesha, wuxuuna idiin ku yeedhi uun xisbigiisa si ay asaxaabta Naaarta saciiro u noqdaan.
الَّذِينَ كَفَرُوا لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ مَغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ
Kuwii gaaloobay waxay mudan cadaab darab, kuwii xaqa rumeeyay oo camal fiican falayna waxay mudan dambi dhaag iyo ajri wayn.
أَفَمَنْ زُيِّنَ لَهُ سُوءُ عَمَلِهِ فَرَآهُ حَسَنًا ۖ فَإِنَّ اللَّهَ يُضِلُّ مَنْ يَشَاءُ وَيَهْدِي مَنْ يَشَاءُ ۖ فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَاتٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِمَا يَصْنَعُونَ
Ruuxse loo qurxiyay camalkiisa xun oo u arkay inuu fiicanyahay (ma lamid baa kaan saas falin), Eebe cidduu doono yuu dhumiyaa Ruuxuu doonana wuu Hanuuniyaa ee yeyna Naftaadu ku tagan walbahaarkooda, Eebe waa ogyahay waxay samayne.

Choose other languages: