Quran Apps in many lanuages:

Surah Fatir Ayahs #13 Translated in Somali

وَاللَّهُ الَّذِي أَرْسَلَ الرِّيَاحَ فَتُثِيرُ سَحَابًا فَسُقْنَاهُ إِلَىٰ بَلَدٍ مَيِّتٍ فَأَحْيَيْنَا بِهِ الْأَرْضَ بَعْدَ مَوْتِهَا ۚ كَذَٰلِكَ النُّشُورُ
Eebe waa kan diray dabaysha oy kiciso daruuro markaasaan u kaxayn magaalo dhimatay (abaarowday) markaasaan ku noolaynay roobkaas dhulka intu dhintay ka dib, saas weeye soo bixintiina.
مَنْ كَانَ يُرِيدُ الْعِزَّةَ فَلِلَّهِ الْعِزَّةُ جَمِيعًا ۚ إِلَيْهِ يَصْعَدُ الْكَلِمُ الطَّيِّبُ وَالْعَمَلُ الصَّالِحُ يَرْفَعُهُ ۚ وَالَّذِينَ يَمْكُرُونَ السَّيِّئَاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۖ وَمَكْرُ أُولَٰئِكَ هُوَ يَبُورُ
Ruuxii dooni sharaf Eebe iska lehsharaf dhammaanteed, xagiisayna u koraan kalimooyinka fiican, camalka suubanna wuu kor yeelaa, kuwa xumaanta ku dhagra (maamula) waxay mudan cadaab daran, dhagarta kuwaasna way uun halaagi.
وَاللَّهُ خَلَقَكُمْ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ مِنْ نُطْفَةٍ ثُمَّ جَعَلَكُمْ أَزْوَاجًا ۚ وَمَا تَحْمِلُ مِنْ أُنْثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلْمِهِ ۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِنْ مُعَمَّرٍ وَلَا يُنْقَصُ مِنْ عُمُرِهِ إِلَّا فِي كِتَابٍ ۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرٌ
Eebe waa kan idinka abuuray Carro, hadana dhibic, markaas Lab iyo dhadig, haweenayna wax uurka kuma qaado mana dajiso ogaansho Eebe mooyee, ruuxii cimri dhe iyo ruuxii cimri gaabanba waxay ku sugan yihiin kitaabka Eebe, waana u fudud yahay.
وَمَا يَسْتَوِي الْبَحْرَانِ هَٰذَا عَذْبٌ فُرَاتٌ سَائِغٌ شَرَابُهُ وَهَٰذَا مِلْحٌ أُجَاجٌ ۖ وَمِنْ كُلٍّ تَأْكُلُونَ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُونَ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا ۖ وَتَرَى الْفُلْكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبْتَغُوا مِنْ فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Ma eke labada badood taasi waa macaantahay si daran, taasina waa dhanaan daran mid kastana waxaad ka cunaysaan hilib cusub, waxaadna kala baxdaan Macdan aad xidhataan, waxaadna arkaysaan doonta oo jiidhi si aad u dalabtaan fadliga Eebe iyo inaad ku mahadisaan.
يُولِجُ اللَّيْلَ فِي النَّهَارِ وَيُولِجُ النَّهَارَ فِي اللَّيْلِ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُسَمًّى ۚ ذَٰلِكُمُ اللَّهُ رَبُّكُمْ لَهُ الْمُلْكُ ۚ وَالَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِهِ مَا يَمْلِكُونَ مِنْ قِطْمِيرٍ
Habeenka yuu Eebe dhexgaliyaa maalinta Maalintana wuxuu dhexgaliyaa Habeenka, Qoraxda iyo dayaxana wuu sakhiray mid kastana wuxuu ku socda muddo magacaaban, saas waxa falana waa Eebihiin, isagaana xu- kunka iska leh, waxaadse baryeysaan (caabudaysaan) oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan xuub laf timireed.

Choose other languages: