Quran Apps in many lanuages:

Surah Az-Zamar Ayahs #45 Translated in Somali

إِنَّا أَنْزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ لِلنَّاسِ بِالْحَقِّ ۖ فَمَنِ اهْتَدَىٰ فَلِنَفْسِهِ ۖ وَمَنْ ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا ۖ وَمَا أَنْتَ عَلَيْهِمْ بِوَكِيلٍ
Annagaa kugu soodajinay Kitaabka (Quraanka) Dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nabiyow kama tihid wakiil.
اللَّهُ يَتَوَفَّى الْأَنْفُسَ حِينَ مَوْتِهَا وَالَّتِي لَمْ تَمُتْ فِي مَنَامِهَا ۖ فَيُمْسِكُ الَّتِي قَضَىٰ عَلَيْهَا الْمَوْتَ وَيُرْسِلُ الْأُخْرَىٰ إِلَىٰ أَجَلٍ مُسَمًّى ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Eebaa oofsada nafta markay dhiman iyo tii aan dhimanin ee hurudday, wuxuna hayn tuu geerida ku xukumay wuxuuna siideyn tii kale tan iyo muddo magacaaban, arrigtaasna aayaad (Calaamooyin) yaa ugu sugan ciddii fikireysa.
أَمِ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِ اللَّهِ شُفَعَاءَ ۚ قُلْ أَوَلَوْ كَانُوا لَا يَمْلِكُونَ شَيْئًا وَلَا يَعْقِلُونَ
Mise waxay ka yeesheen Eebe wax ka soohadhay shafeecayaal, waxaad dhahdaa (oo ma kayeelanyesaan) xaataa haddayna wax hananayn waxna kasayn.
قُلْ لِلَّهِ الشَّفَاعَةُ جَمِيعًا ۖ لَهُ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
Waxaad dhahdaa Eebaa iska leh shafeeco oo dhan, waxaana u sugnaaday xukunka Cirka iyo Dhulka xaggiisaana leydiin celin.
وَإِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَحْدَهُ اشْمَأَزَّتْ قُلُوبُ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ ۖ وَإِذَا ذُكِرَ الَّذِينَ مِنْ دُونِهِ إِذَا هُمْ يَسْتَبْشِرُونَ
Marka la xuso Eebe kaliya waxaa diida qalbiyada kuwaan rumeynin aakhiro markii la xuso waxa Eebe ka soo hadhayna markaasay bishaareystaan farxaan.

Choose other languages: