Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #114 Translated in Somali

لَا يَزَالُ بُنْيَانُهُمُ الَّذِي بَنَوْا رِيبَةً فِي قُلُوبِهِمْ إِلَّا أَنْ تَقَطَّعَ قُلُوبُهُمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Kama tago dhismahooda ay dhiseen inuu ku Jiro shaki Quluubtoodu intay ka Kala go'do «dhimatana» Quluubtoodu, Eebana waa oge falsan.
إِنَّ اللَّهَ اشْتَرَىٰ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنْفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُمْ بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ ۚ يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ ۖ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنْجِيلِ وَالْقُرْآنِ ۚ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِعَهْدِهِ مِنَ اللَّهِ ۚ فَاسْتَبْشِرُوا بِبَيْعِكُمُ الَّذِي بَايَعْتُمْ بِهِ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ
Eebe wuxuu kaga gatay Mu'miniinta Naftooda iyo Xoolahooda inay janno u ahaato ku dagaallami Jidka Eebe oy waxna dili iyana la dili, waana yabooh ku sugan (dhaba) Tawreed iyo Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Eebe ku bishaaraysta gadiddii ood gaddeen kaasina waa uun Liibaanta wayn.
التَّائِبُونَ الْعَابِدُونَ الْحَامِدُونَ السَّائِحُونَ الرَّاكِعُونَ السَّاجِدُونَ الْآمِرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَالنَّاهُونَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَالْحَافِظُونَ لِحُدُودِ اللَّهِ ۗ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ
waa kuwa toobadkeena, ee caabuda (Eebe) ee mahdiya, ee saa'ixiinta ah (Sooma oo Jahaada) ee Rukuca ee Sujuuda, ee fara wanaagga reebana xumaanta, ee dhawra Xuduudda Eebe, ee u Bishaaree Mu'miniinta.
مَا كَانَ لِلنَّبِيِّ وَالَّذِينَ آمَنُوا أَنْ يَسْتَغْفِرُوا لِلْمُشْرِكِينَ وَلَوْ كَانُوا أُولِي قُرْبَىٰ مِنْ بَعْدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُمْ أَصْحَابُ الْجَحِيمِ
kuma habboona Nabiga iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) inay u dambi dhaaf warsadaan Mushrikiinta «gaalada» haba ahaadeen qaraabadoodee intay u caddaatay kadib inay Ehelka Naarta Jaxiima yihiin.
وَمَا كَانَ اسْتِغْفَارُ إِبْرَاهِيمَ لِأَبِيهِ إِلَّا عَنْ مَوْعِدَةٍ وَعَدَهَا إِيَّاهُ فَلَمَّا تَبَيَّنَ لَهُ أَنَّهُ عَدُوٌّ لِلَّهِ تَبَرَّأَ مِنْهُ ۚ إِنَّ إِبْرَاهِيمَ لَأَوَّاهٌ حَلِيمٌ
ma ahayn u dambi dhaaf doonidii Nabi Ibraahim Aabihiis ballan uu u yaboohay mooyee, markayse u caddaatay inuu Col Eebe yahay wuu iska bari yeelay Xaggiisa (Nabi) Ibraahim wuxuu ahaa duco (Baryo) badanaha (Eebe) oo dul badan.

Choose other languages: