Quran Apps in many lanuages:

Surah An-Nahl Ayahs #80 Translated in Somali

وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا رَجُلَيْنِ أَحَدُهُمَا أَبْكَمُ لَا يَقْدِرُ عَلَىٰ شَيْءٍ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوْلَاهُ أَيْنَمَا يُوَجِّهْهُ لَا يَأْتِ بِخَيْرٍ ۖ هَلْ يَسْتَوِي هُوَ وَمَنْ يَأْمُرُ بِالْعَدْلِ ۙ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ
Waxaa (kale) oo Eebe tusaale ka yeelay laba Nin oo midkood Af la'yahay (Mahadle) waxna karin dhibna ku ah (Culays) Ilaaliyihiisa meel Kastoos ujeediyana aan wanaag ka imanaynin Ma Egyihiin isaga iyo ruux fari Caddaalada Jid toosanna ku sugan.
وَلِلَّهِ غَيْبُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَا أَمْرُ السَّاعَةِ إِلَّا كَلَمْحِ الْبَصَرِ أَوْ هُوَ أَقْرَبُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ
Eebaa iska leh waxa ku maqan Samooyinka iyo Dhulka, Saacadda amarkeeduna ma aha ilbidhiqsigeed mooyee ama ka dhaw, Eebana wax Kasta wuu karaa.
وَاللَّهُ أَخْرَجَكُمْ مِنْ بُطُونِ أُمَّهَاتِكُمْ لَا تَعْلَمُونَ شَيْئًا وَجَعَلَ لَكُمُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَالْأَفْئِدَةَ ۙ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Eebe wuxuu idinka soo bixiyay Caloosha Hooyooyinkiin Waxba idinkoon ogayn wuxuuna Idiin yeelay Ma- qal iyo Arag iyo Quluub inaad Ku Shukridaan Eebe.
أَلَمْ يَرَوْا إِلَى الطَّيْرِ مُسَخَّرَاتٍ فِي جَوِّ السَّمَاءِ مَا يُمْسِكُهُنَّ إِلَّا اللَّهُ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Miyayna arkayn Shinbiraha loo Sakhiray Hawada samaa, Waxaana Eebe ahayna haynin, taasina Calaamooyin yaa ugu Sugan Cidii rumayn (Xaqa).
وَاللَّهُ جَعَلَ لَكُمْ مِنْ بُيُوتِكُمْ سَكَنًا وَجَعَلَ لَكُمْ مِنْ جُلُودِ الْأَنْعَامِ بُيُوتًا تَسْتَخِفُّونَهَا يَوْمَ ظَعْنِكُمْ وَيَوْمَ إِقَامَتِكُمْ ۙ وَمِنْ أَصْوَافِهَا وَأَوْبَارِهَا وَأَشْعَارِهَا أَثَاثًا وَمَتَاعًا إِلَىٰ حِينٍ
Eebe wuxuu idinka yeelay Guryihiinna xasil (Degaan) wuxuuna idinka yeelay harkaha xoolaha Guryo idiin fudud maalinta geediga iyo maalinta nagaadigaba, idinkana yeelay Suufkeeda iyo dhogarta (Geela) iyo dhogorta (Riyaha) Alaab iyo Maacuun tan iyo muddo.

Choose other languages: