Quran Apps in many lanuages:

Surah An-Nahl Ayahs #64 Translated in Somali

لِلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ مَثَلُ السَّوْءِ ۖ وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Kuwaan rumayn Aakhiro waxaa u sugnaaday Tusaale xun, Eebana waxaa u sugnaaday Sifada sare, waana Adkaade falsan.
وَلَوْ يُؤَاخِذُ اللَّهُ النَّاسَ بِظُلْمِهِمْ مَا تَرَكَ عَلَيْهَا مِنْ دَابَّةٍ وَلَٰكِنْ يُؤَخِّرُهُمْ إِلَىٰ أَجَلٍ مُسَمًّى ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ
Hadduu Eebe u qaban Dadka Dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu dhigi Muddo Magacaaban, markay Ajashoodu timaadana kama dib maraan Saacad kamana hormaraan.
وَيَجْعَلُونَ لِلَّهِ مَا يَكْرَهُونَ وَتَصِفُ أَلْسِنَتُهُمُ الْكَذِبَ أَنَّ لَهُمُ الْحُسْنَىٰ ۖ لَا جَرَمَ أَنَّ لَهُمُ النَّارَ وَأَنَّهُمْ مُفْرَطُونَ
Waxayna u yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu Been inuu wanaag u sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna dhaafi).
تَاللَّهِ لَقَدْ أَرْسَلْنَا إِلَىٰ أُمَمٍ مِنْ قَبْلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ الْيَوْمَ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Dhaar Eebee waxaan (Rasuullo) u dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran.
وَمَا أَنْزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ الَّذِي اخْتَلَفُوا فِيهِ ۙ وَهُدًى وَرَحْمَةً لِقَوْمٍ يُؤْمِنُونَ
Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u Caddaysid Dadka waxay isku Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn.

Choose other languages: