Quran Apps in many lanuages:

Surah An-Nahl Ayahs #14 Translated in Somali

هُوَ الَّذِي أَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً ۖ لَكُمْ مِنْهُ شَرَابٌ وَمِنْهُ شَجَرٌ فِيهِ تُسِيمُونَ
Eebe waa kan idinka soo dejiyay Samada Biyo xagiisaa laga cabaa Xagiisaana Geeduhu ka ahaadaan aad Daajisaan (xoolaha).
يُنْبِتُ لَكُمْ بِهِ الزَّرْعَ وَالزَّيْتُونَ وَالنَّخِيلَ وَالْأَعْنَابَ وَمِنْ كُلِّ الثَّمَرَاتِ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ
Wuxuuna idiinku soo Bixiyaa Beero Saytuun, Timir, Cinab iyo Wax kastoo midha ah, arrintaasna calaamadbaa ugu sugan Ciddii fikiri.
وَسَخَّرَ لَكُمُ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ وَالنُّجُومُ مُسَخَّرَاتٌ بِأَمْرِهِ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِقَوْمٍ يَعْقِلُونَ
Wuxuuna idiin sakhiray Habeenka, Maalinta, qirraxda, Dayaxa, Xiddigahana waxaa lagu sakhiray Amarkiisa, Arrintaasna Calaamooyin yaa Ugu sugan Ciddii wax kasi.
وَمَا ذَرَأَ لَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُخْتَلِفًا أَلْوَانُهُ ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِقَوْمٍ يَذَّكَّرُونَ
Iyo wuxuu idiinku abuuray Dhulka oo kala Duwan yahay Midabkeedu, Arriintaasna Calaamad Yaa ugu sugan ciddii wax xasuusan (fikiri).
وَهُوَ الَّذِي سَخَّرَ الْبَحْرَ لِتَأْكُلُوا مِنْهُ لَحْمًا طَرِيًّا وَتَسْتَخْرِجُوا مِنْهُ حِلْيَةً تَلْبَسُونَهَا وَتَرَى الْفُلْكَ مَوَاخِرَ فِيهِ وَلِتَبْتَغُوا مِنْ فَضْلِهِ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ
Eebe waa kan idiin sakhiray Badda inaad ka cuntaan Hilib cusub kalana baxdaan Qurux (Macdan) ood xidhataan, Waxaadna aragtaan doonida (Markabka) oo Dillaacin (Dabbaalan) Dehxdeeda iyo inaad Doontaan fadliga iyo inaad Doontaan fadliga Eebe iyo Inaad ku shugridaan.

Choose other languages: