Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Isra Ayahs #24 Translated in Somali

كُلًّا نُمِدُّ هَٰؤُلَاءِ وَهَٰؤُلَاءِ مِنْ عَطَاءِ رَبِّكَ ۚ وَمَا كَانَ عَطَاءُ رَبِّكَ مَحْظُورًا
Dhammaan waxbaan uga Fidinaa kuwaas (Doona Adduun) iyo kuwaas (Doona aakhiro) siismada Eebahaa, mana aha siismada Eebahaa mid Reeban.
انْظُرْ كَيْفَ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ وَلَلْآخِرَةُ أَكْبَرُ دَرَجَاتٍ وَأَكْبَرُ تَفْضِيلًا
Day sidaan uga Fadilnay qaarkood qaarka (Kale) (Addunka) Aakharaase wayn darajooyin oo wayn Fadilid.
لَا تَجْعَلْ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ فَتَقْعُدَ مَذْمُومًا مَخْذُولًا
Ila Yeelin Eebe Miciisa Ilaah kale ood noqotid mid Caayan oo la Khasaariyo.
وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا
Wuxuu Faray Eebahaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni midkood ama Labaduba ha ku Dhihin uf, hana Canaanan una dheh hadal Fiican.
وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُلْ رَبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا
Una Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar.

Choose other languages: