Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Hashr Ayahs #23 Translated in Somali

وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ نَسُوا اللَّهَ فَأَنْسَاهُمْ أَنْفُسَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
Kuwa xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Eebe hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda waana kuwo faasiqiin ah (xaqa ka leexday).
لَا يَسْتَوِي أَصْحَابُ النَّارِ وَأَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۚ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ هُمُ الْفَائِزُونَ
Ma eka Ahlu naarka iyo Ahlu Jannaha, Ahlu Jannuhu waa kuwa liibaanay.
لَوْ أَنْزَلْنَا هَٰذَا الْقُرْآنَ عَلَىٰ جَبَلٍ لَرَأَيْتَهُ خَاشِعًا مُتَصَدِّعًا مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ ۚ وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ
Haddii quraankan Eebe Buur ku dejiyo (kula hadlo) waxaad arki lahayd Buurtii oo khushuucsan oo dillaaci cabsi Eebe darteed, saasaa Eebe mataallo ugu sheega dadka inay fikiraan darteed.
هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ ۖ هُوَ الرَّحْمَٰنُ الرَّحِيمُ
Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, waxa maqan iyo waxa joogaba waa ogyahay, waana kan naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ الْمُؤْمِنُ الْمُهَيْمِنُ الْعَزِيزُ الْجَبَّارُ الْمُتَكَبِّرُ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ
Ilaahay isaga mooyee Eebe kale ma jiro, waa Xaakim Daahir ah, nabadgeliye, rumeeye, wax walbana ilaaliye xoog iyo wenaan isagaa leh, waana ka nasahanyahay waxay Cibaadada la wadaajinayaan.

Choose other languages: