Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #273 Translated in Somali

يُؤْتِي الْحِكْمَةَ مَنْ يَشَاءُ ۚ وَمَنْ يُؤْتَ الْحِكْمَةَ فَقَدْ أُوتِيَ خَيْرًا كَثِيرًا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ
wiixuu siiyaa xigmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xigmona waxaa la siiyey khayr Badan, wax waantoobo oon kuwa Caqliga leh ahayna majiro.
وَمَا أَنْفَقْتُمْ مِنْ نَفَقَةٍ أَوْ نَذَرْتُمْ مِنْ نَذْرٍ فَإِنَّ اللَّهَ يَعْلَمُهُ ۗ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنْصَارٍ
waxaad bixisaan oo nafaqo ah (sadaqo) amaad ku nadartaan ou nadar ah Eebe waa ogyahay, daalimiina gargaare uma sugnaanin.
إِنْ تُبْدُوا الصَّدَقَاتِ فَنِعِمَّا هِيَ ۖ وَإِنْ تُخْفُوهَا وَتُؤْتُوهَا الْفُقَرَاءَ فَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ ۚ وَيُكَفِّرُ عَنْكُمْ مِنْ سَيِّئَاتِكُمْ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
haddaad muujisaan Sadaqaadka waa fiicantahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada yaa idiin khayr badan, wuunu asturi Eebe xumaantiina (Dambiga) Eebana waxaad falaysaan wuu ogyahay.
لَيْسَ عَلَيْكَ هُدَاهُمْ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ ۗ وَمَا تُنْفِقُوا مِنْ خَيْرٍ فَلِأَنْفُسِكُمْ ۚ وَمَا تُنْفِقُونَ إِلَّا ابْتِغَاءَ وَجْهِ اللَّهِ ۚ وَمَا تُنْفِقُوا مِنْ خَيْرٍ يُوَفَّ إِلَيْكُمْ وَأَنْتُمْ لَا تُظْلَمُونَ
korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebaase hanuuniya cidduu doono, waxaad bixinaysaan oo khay ah naftiinaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebe mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin dulmiyeyn.
لِلْفُقَرَاءِ الَّذِينَ أُحْصِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ لَا يَسْتَطِيعُونَ ضَرْبًا فِي الْأَرْضِ يَحْسَبُهُمُ الْجَاهِلُ أَغْنِيَاءَ مِنَ التَّعَفُّفِ تَعْرِفُهُمْ بِسِيمَاهُمْ لَا يَسْأَلُونَ النَّاسَ إِلْحَافًا ۗ وَمَا تُنْفِقُوا مِنْ خَيْرٍ فَإِنَّ اللَّهَ بِهِ عَلِيمٌ
(waxaa muta Sadaqadaas) fuqarada lagu koobay Jidka Eebe (Jahaadka) oon karin inay dhulka ku safraan, wuxuna u malayn kaan ogayn Hodan dhawrsanaanta, waxaadse ku garan Calaamadooda, umana waydiiyaan Dadka ku eeleelin waxaad bixisaan oo khayr ah Eebe waa ogyahay (oo ka jasayn).

Choose other languages: