Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #257 Translated in Somali

تِلْكَ الرُّسُلُ فَضَّلْنَا بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۘ مِنْهُمْ مَنْ كَلَّمَ اللَّهُ ۖ وَرَفَعَ بَعْضَهُمْ دَرَجَاتٍ ۚ وَآتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ وَأَيَّدْنَاهُ بِرُوحِ الْقُدُسِ ۗ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا اقْتَتَلَ الَّذِينَ مِنْ بَعْدِهِمْ مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَتْهُمُ الْبَيِّنَاتُ وَلَٰكِنِ اخْتَلَفُوا فَمِنْهُمْ مَنْ آمَنَ وَمِنْهُمْ مَنْ كَفَرَ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا اقْتَتَلُوا وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ
kuwaasu waa Rasuuladi Waana ka fadilnaa qaarkood warka (kale) waxaa ka mid ah kuwo la hadlay Eebe wuuna koryeelay qarkood darajooyin. waxaana siinay Ciise Binu Maryama xujooyin, Waxaana ku xoo jinay ruuxdii dahirka ahayd Malaku Jibriil. haduu Ebe doono ismalaayeen kuwii ka dambeeyay intay u timid xujooyin kadib. laakiin way is khilaafeen waxaa ka Midah mid rumeeyay (xaqa) waxaana kamidah mid ka gallobay. haduu Ebe doonana isma laayeen. laakiin Eebe wuxuu falaa wuxuu doono.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَنْفِقُوا مِمَّا رَزَقْنَاكُمْ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَ يَوْمٌ لَا بَيْعٌ فِيهِ وَلَا خُلَّةٌ وَلَا شَفَاعَةٌ ۗ وَالْكَافِرُونَ هُمُ الظَّالِمُونَ
kuwa (xaqa) rumeeyow nafaqeeya (bixiya) waxaan idinku arzuqnay qaarkood ka hor Imaatin maalin (Qiyaamada) oon gadasho jirin iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna) Gaaladuna iyaga unbaa daalimiin ah.
اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ مَنْ ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِنْدَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ ۚ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۖ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ
Eebe Ilaahaan isada ahayn ma jiro, waana Eebaha Nool, Khalqigana maamula. Ma qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ka sugan iyo Dhulka, waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya mana koobaan wax Cilmigiisa ah, wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn.
لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ ۖ قَدْ تَبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ ۚ فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِنْ بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىٰ لَا انْفِصَامَ لَهَا ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
Igraah (Qasab) ma aha Diinta galideedu, Hanuunkii (limaanku) waa ka cadaaday (soocanyahay) Baadida (Gaalnimada) ruuxiise diida Dhaaquut (shayaadiinta iyo xuma fare wixii ah) oo Tumeeya Eebe wuxuu qabsaday xadhig (guntay) sugan oo adag (Islaamka) oon go'ayn, Eebana waa maqle og.
اللَّهُ وَلِيُّ الَّذِينَ آمَنُوا يُخْرِجُهُمْ مِنَ الظُّلُمَاتِ إِلَى النُّورِ ۖ وَالَّذِينَ كَفَرُوا أَوْلِيَاؤُهُمُ الطَّاغُوتُ يُخْرِجُونَهُمْ مِنَ النُّورِ إِلَى الظُّلُمَاتِ ۗ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Eeba waa u gargaaraha kuwa rumeeyey xaqa, wuxuuna ka bixiyaa mugdiga (Gaalnimada) una bixiyaa Nuurka (iimaanka), kuwa Gaaloobayna gargaarahoodu waa Dhaaquut (Xumaan fare) wuxuuna ka bixiyaa Nuurka una bixiyaa Mugdiga (Gaalnimada) kuwaasina waa ehelka Naarta wayna ku waari dhexdeeda.

Choose other languages: