Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #248 Translated in Somali

وَقَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
ku dirira Jidka Eebe, ogaadana in Eebe maqli oo ogyahay.
مَنْ ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَاعِفَهُ لَهُ أَضْعَافًا كَثِيرَةً ۚ وَاللَّهُ يَقْبِضُ وَيَبْسُطُ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ
waa kuma kan amaah fiican gashan Eebe, oo uu u laban laabo, Laban laab badan, Eebana wuu ku cidhiidhiyaa Rizqiga oo u waasiciyaa (Cidduu doono) xaggiisaana loo celiyaa Dadka.
أَلَمْ تَرَ إِلَى الْمَلَإِ مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ مِنْ بَعْدِ مُوسَىٰ إِذْ قَالُوا لِنَبِيٍّ لَهُمُ ابْعَثْ لَنَا مَلِكًا نُقَاتِلْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۖ قَالَ هَلْ عَسَيْتُمْ إِنْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ أَلَّا تُقَاتِلُوا ۖ قَالُوا وَمَا لَنَا أَلَّا نُقَاتِلَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَقَدْ أُخْرِجْنَا مِنْ دِيَارِنَا وَأَبْنَائِنَا ۖ فَلَمَّا كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقِتَالُ تَوَلَّوْا إِلَّا قَلِيلًا مِنْهُمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالظَّالِمِينَ
ka warran (warkoodu ma ku soo gaadhay) Madaxdii Bani Israa'iil Muuse ka dib markay ku dheheen Nabigoodii Noo soo bixi Malig (xaakim) oon ku dagaallanno Jidka Eebe, wuxuuna yidhi armaad mudantihiin haddii laydinku faralyeelo Dagaalka inaydaan dagaallamin, waxayna dhaheen maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Eebe isagoo nalaga bixiyey guryahannagii iyo Caruurtannadii (Wiilashannadii) markii lagu faralyeelay korkooda Dagaalkii wey jeedsadeen, in yar oo kamid ah mooyee, Eebana waa ogyahay daalimiinta.
وَقَالَ لَهُمْ نَبِيُّهُمْ إِنَّ اللَّهَ قَدْ بَعَثَ لَكُمْ طَالُوتَ مَلِكًا ۚ قَالُوا أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُ الْمُلْكُ عَلَيْنَا وَنَحْنُ أَحَقُّ بِالْمُلْكِ مِنْهُ وَلَمْ يُؤْتَ سَعَةً مِنَ الْمَالِ ۚ قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ ۖ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ مَنْ يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ
wuxuuna ku yidhi Nabigoodii Eebe wuxuu idiinky bixiyey Dhaaluut Malig (Xaakim), waxayna dheheen sidee ngu ahaan xukun korkannaga annago ka mudan Xukunka aan lana siinin Xoolo Waasac ah (Badan) wuxuuna yidhi (Nabigii) Eebe wuu u doortay Korkiina wuxuuna u siyaadiyey Waasacnimo Cilmi iyo Jidh (Xoog) Eebana wuxuu siiyaa Xukunkiisa Cidduu doono, Eebana waa Deeqbadane og.
وَقَالَ لَهُمْ نَبِيُّهُمْ إِنَّ آيَةَ مُلْكِهِ أَنْ يَأْتِيَكُمُ التَّابُوتُ فِيهِ سَكِينَةٌ مِنْ رَبِّكُمْ وَبَقِيَّةٌ مِمَّا تَرَكَ آلُ مُوسَىٰ وَآلُ هَارُونَ تَحْمِلُهُ الْمَلَائِكَةُ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ
Nabigoodii wuxuu ku yidhi calaamadda Xukunkiisu waa inay u timaado taabuud (sanduuq) oy ku jirto xasiloonida Eebihiin iyo wax ka soo hadhay waxay ka tageen ehelkii Muuse iyo ehelkii Haaruun oo Mala'igtu xambaari arrintaasna calaamaa idiinku sugan haddaad tihiin Mu'miniin.

Choose other languages: