Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #162 Translated in Somali

إِنَّ الصَّفَا وَالْمَرْوَةَ مِنْ شَعَائِرِ اللَّهِ ۖ فَمَنْ حَجَّ الْبَيْتَ أَوِ اعْتَمَرَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِ أَنْ يَطَّوَّفَ بِهِمَا ۚ وَمَنْ تَطَوَّعَ خَيْرًا فَإِنَّ اللَّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ
Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka (Wayneynta) Eebe ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarra hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Eebe wuu ku mahdin wuuna ogyahay.
إِنَّ الَّذِينَ يَكْتُمُونَ مَا أَنْزَلْنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ وَالْهُدَىٰ مِنْ بَعْدِ مَا بَيَّنَّاهُ لِلنَّاسِ فِي الْكِتَابِ ۙ أُولَٰئِكَ يَلْعَنُهُمُ اللَّهُ وَيَلْعَنُهُمُ اللَّاعِنُونَ
Kuwa qariya waxaan soo dajinay oo aayaad ah iyo hanuun intaan dadka ugu caddaynay Kitaabka kuwaas Waxaa naeladi Eebe iyo Kuwa wax Naealada (malaaigta iyo Mu'miniinta).
إِلَّا الَّذِينَ تَابُوا وَأَصْلَحُوا وَبَيَّنُوا فَأُولَٰئِكَ أَتُوبُ عَلَيْهِمْ ۚ وَأَنَا التَّوَّابُ الرَّحِيمُ
Marka laga reebo kuwa toobad keena oo Wanaaga fala oo Xaga caddeeya, kuwas waan ka toobad aqbali, waxaana ahay toobad aqbal badane Naxariis badan.
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا وَمَاتُوا وَهُمْ كُفَّارٌ أُولَٰئِكَ عَلَيْهِمْ لَعْنَةُ اللَّهِ وَالْمَلَائِكَةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ
Kuwii Gaaloobay oo ku dhintay gaalnimo Kuwaas waxaa korkooda ah nacaladda Eebe iyo Malaa'igta iyo Dadka dhammaan.
خَالِدِينَ فِيهَا ۖ لَا يُخَفَّفُ عَنْهُمُ الْعَذَابُ وَلَا هُمْ يُنْظَرُونَ
Waxayna kuwaari dhexdeeda (naarta iyo nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka Loomana sugo.

Choose other languages: