Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Baqara Ayahs #157 Translated in Somali

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ
kuwa (Xaga) rumeeyow kaalmaysta Samir iyo Salaad, Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree.
وَلَا تَقُولُوا لِمَنْ يُقْتَلُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتٌ ۚ بَلْ أَحْيَاءٌ وَلَٰكِنْ لَا تَشْعُرُونَ
hana ku dhihina kuwa lagu Dilo Jidka Eebe (Jahaadka) waa Dhinteen, saas ma aha ee waa noolyihin, mase kaseysaan.
وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِنَ الْخَوْفِ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِنَ الْأَمْوَالِ وَالْأَنْفُسِ وَالثَّمَرَاتِ ۗ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ
waxaan idin ku Imtixaannaynaa wax Cabsi ah iyo Gaajo, iyo Nusqaamin Xoolaha iyo Nafta iyo midhaha, ee u Bishaaree kuwa Samra.
الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُمْ مُصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
kuwaas markuu dhib ku dhoeo yidhaahda Eebaa na leh isagaana u noqonaynaa.
أُولَٰئِكَ عَلَيْهِمْ صَلَوَاتٌ مِنْ رَبِّهِمْ وَرَحْمَةٌ ۖ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُهْتَدُونَ
kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Eebe iyo Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan.

Choose other languages: