Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #77 Translated in Somali

وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا ۗ قَالَ يَا قَوْمِ اعْبُدُوا اللَّهَ مَا لَكُمْ مِنْ إِلَٰهٍ غَيْرُهُ ۖ قَدْ جَاءَتْكُمْ بَيِّنَةٌ مِنْ رَبِّكُمْ ۖ هَٰذِهِ نَاقَةُ اللَّهِ لَكُمْ آيَةً ۖ فَذَرُوهَا تَأْكُلْ فِي أَرْضِ اللَّهِ ۖ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوءٍ فَيَأْخُذَكُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Waxaan u Dirray Thamuudna Walaalkood Nabi Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe wax ka soo hadhay Eebe idiinma sugnee, waxaa idiinka timid Xagga Eebe Xujo (Cad) Tanna waa hashii Eebe, waxayna idiin tahay Calaamo, ee iska Daaya ha ka Cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab Daran.
وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِنْ بَعْدِ عَادٍ وَبَوَّأَكُمْ فِي الْأَرْضِ تَتَّخِذُونَ مِنْ سُهُولِهَا قُصُورًا وَتَنْحِتُونَ الْجِبَالَ بُيُوتًا ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ
Xusuusta markuu idinka yeelay (Eebe) kuwo Baddalay Caad kadib idin Dajiyeyna Dhulka idinkoo ka Yeelay Dooxyaheeda Daaro, ood kana qoranaysaan Buuraheeda Guryo Xusuusta Niemooyinka hana Fasaadinina Dhulka.
قَالَ الْمَلَأُ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا مِنْ قَوْمِهِ لِلَّذِينَ اسْتُضْعِفُوا لِمَنْ آمَنَ مِنْهُمْ أَتَعْلَمُونَ أَنَّ صَالِحًا مُرْسَلٌ مِنْ رَبِّهِ ۚ قَالُوا إِنَّا بِمَا أُرْسِلَ بِهِ مُؤْمِنُونَ
Waxayna ku dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisa ka mida kuwii Tabarta yaraa oo Rumeeyey ma waxaad Ogtihiin in Saalax laga soo diray Xagga Eebe, waxayna dheheen Annagu waxa lagu diray waan rumaynay.
قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا بِالَّذِي آمَنْتُمْ بِهِ كَافِرُونَ
Waxayna dheheen kuwii iskibriyey annagu waxaad Rumeeyseen waan ka Gaaloownay.
فَعَقَرُوا النَّاقَةَ وَعَتَوْا عَنْ أَمْرِ رَبِّهِمْ وَقَالُوا يَا صَالِحُ ائْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِنْ كُنْتَ مِنَ الْمُرْسَلِينَ
Waxayna Dileen Hashii waxayna ka Madaxadaygeen amarkii Eebahood, waxayna dheheen Saalaxow noo keen waxaad noogu Goodiyeeyso haddaad tahay mid la soo Diray.

Choose other languages: