Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Araf Ayahs #71 Translated in Somali

قَالَ يَا قَوْمِ لَيْسَ بِي سَفَاهَةٌ وَلَٰكِنِّي رَسُولٌ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ
Wuxuuna yidhi Qoomkayow Safaaho (Xumaan) imahayso waxaanse ahay Rasuul Eebaha Caalamka.
أُبَلِّغُكُمْ رِسَالَاتِ رَبِّي وَأَنَا لَكُمْ نَاصِحٌ أَمِينٌ
Waxaana idin gaadhsiin Farrinta Eebahay waxaana idiin ahay Nasteex Aamina.
أَوَعَجِبْتُمْ أَنْ جَاءَكُمْ ذِكْرٌ مِنْ رَبِّكُمْ عَلَىٰ رَجُلٍ مِنْكُمْ لِيُنْذِرَكُمْ ۚ وَاذْكُرُوا إِذْ جَعَلَكُمْ خُلَفَاءَ مِنْ بَعْدِ قَوْمِ نُوحٍ وَزَادَكُمْ فِي الْخَلْقِ بَسْطَةً ۖ فَاذْكُرُوا آلَاءَ اللَّهِ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
Ma waxaad la Yaabteen inuu u Yimaaddo Xuska Eebihiin Nin idinka mid ah inuu iddin Digo, Xusuusta Markuu idinka yeelay Eebe kuwa u Hadhay (Dhulka) Qoomkii Nabi Nuux ka dib, idiinna kordhiyey Xoog, ee Xusuusta Niemada Eebe, waxaad u Dhawdihiin inaad Liibaantaane.
قَالُوا أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللَّهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ آبَاؤُنَا ۖ فَأْتِنَا بِمَا تَعِدُنَا إِنْ كُنْتَ مِنَ الصَّادِقِينَ
Waxay Dheheen ma waxaad noola timid inaan Caabudno Eebe Kaliya, oon ka Tagno Waxay Caabudayeen Aabayaalkanno, noo keen waxaad noogu Goodiyeysay Haddaad runle tahay.
قَالَ قَدْ وَقَعَ عَلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ رِجْسٌ وَغَضَبٌ ۖ أَتُجَادِلُونَنِي فِي أَسْمَاءٍ سَمَّيْتُمُوهَا أَنْتُمْ وَآبَاؤُكُمْ مَا نَزَّلَ اللَّهُ بِهَا مِنْ سُلْطَانٍ ۚ فَانْتَظِرُوا إِنِّي مَعَكُمْ مِنَ الْمُنْتَظِرِينَ
wuxuu yidhi waxaa idinkaga Dhacaya Xagga Eebe Cadaab iyo Cadho ma waxaad igula Murmaysaan Magacyo ood Magacoowdeen idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo Dejinin Xujo, Suga anna waan idinla Sugiye.

Choose other languages: