Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anfal Ayahs #47 Translated in Somali

إِذْ يُرِيكَهُمُ اللَّهُ فِي مَنَامِكَ قَلِيلًا ۖ وَلَوْ أَرَاكَهُمْ كَثِيرًا لَفَشِلْتُمْ وَلَتَنَازَعْتُمْ فِي الْأَمْرِ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ سَلَّمَ ۗ إِنَّهُ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ
Markuu idinku Tusiyey Eebe Galada Hurdada iyagoo yar, haddu ku Tusiyo lyagoo Badanna waad Fashili lahaydeen ood ku Murmi lahaydeen Amarka, Eebaase Nabadgaliyey, Illeen wuu Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.
وَإِذْ يُرِيكُمُوهُمْ إِذِ الْتَقَيْتُمْ فِي أَعْيُنِكُمْ قَلِيلًا وَيُقَلِّلُكُمْ فِي أَعْيُنِهِمْ لِيَقْضِيَ اللَّهُ أَمْرًا كَانَ مَفْعُولًا ۗ وَإِلَى اللَّهِ تُرْجَعُ الْأُمُورُ
Iyo markuu idin Tusiyey markaad Kulanteen iyagoo ku Yar indhihiinna, idinkuna yareeyey Indhahooda in Eebe Xukumo Amar uu Fali, Xagga Eebaana loo Celin Unuuraha.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا لَقِيتُمْ فِئَةً فَاثْبُتُوا وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
Kuwa Xaqa Rumeeyow haddaad la Kulantaan Koox (Cadow ah) Sugnaada Xusana Eebe wax Badan inaad Liibaantaan.
وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَاصْبِرُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ
Adeecana Eebe iyo Rasuulkiisa hana Murmina ood Fashishaan uu tagana Xooggiinnu Samra Eebe wuxuu la jiraa kuwa Samree (Adkaysta).
وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ خَرَجُوا مِنْ دِيَارِهِمْ بَطَرًا وَرِئَاءَ النَّاسِ وَيَصُدُّونَ عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ ۚ وَاللَّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ
Hana ka mid Noqonina kuwii ka baxay Guryahooda Kibir iyo istuska Dadka Darttiis kana Celinaya (Dadka) Jidka Eebe, Eebana waa Koobay waxay Camal Fali.

Choose other languages: