Surah Al-Anaam Ayahs #155 Translated in Somali
قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ ۖ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۖ وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ مِنْ إِمْلَاقٍ ۖ نَحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ ۖ وَلَا تَقْرَبُوا الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ ۖ وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ
Waxaad Dhahdaa Kaalaya aan idiin Akhriyo waxa Eebe idinka reebaye, waa inaydaan wax la Wadaajin, Labada waalidna waa inaad u samo Fashaan (Oydaan Caasiyin) oydaan laynna Caruurtiinna Saboolnimo (Baahi) Anagaa idinka iyo Iyagaba Arzaaqi, hana u Dhawaanina Xumaanta teeda muuqata iyo Teeda Qarsoonba, hana dilina Naftii Eebe Reebay in Xaq darro lagu Dilo, saasuuna Eebe idin fari inaad wax kastaan.
وَلَا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّىٰ يَبْلُغَ أَشُدَّهُ ۖ وَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ ۖ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ ۖ وَبِعَهْدِ اللَّهِ أَوْفُوا ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ
hana u Dhawaanina Xoolaha Agoonta si Fiican mooyee intay ka Gaadhaan Xoogooda, Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, si Caddaalada, laguma kalifo Nafi waxayna karin haddaad hadlaysaanna Caddaalad fala, Qaraababa ha ahaadee, oofiyana Ballanka Eebe, Sidaasaana Eebe idin faray inaad waantoowdaan.
وَأَنَّ هَٰذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَنْ سَبِيلِهِ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
Kaasinawaa Jidkayga toosan ee Raaca, hana Raacina Wadiiqaha oo idin la kala Tago (Idinka leexiyo Jidka Eebe) Saasaana Eebe idin faray inaad Dhawrsataan.
ثُمَّ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ تَمَامًا عَلَى الَّذِي أَحْسَنَ وَتَفْصِيلًا لِكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَعَلَّهُمْ بِلِقَاءِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ
Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan.
وَهَٰذَا كِتَابٌ أَنْزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ فَاتَّبِعُوهُ وَاتَّقُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin Naxariisto.
Choose other languages:

Albanian

Amharic

Azerbaijani

Bengali

Bosnian

Bulgarian

Burmese

Chinese

Danish

Dutch

English

Farsi

Filipino

French

Fulah

German

Gujarati

Hausa

Hindi

Indonesian

Italian

Japanese

Jawa

Kazakh

Khmer

Korean

Kurdish

Kyrgyz

Malay

Malayalam

Norwegian

Pashto

Persian

Polish

Portuguese

Punjabi

Russian

Sindhi

Sinhalese

Somali

Spanish

Swahili

Swedish

Tajik

Tamil

Tatar

Telugu

Thai

Turkish

Urdu

Uyghur

Uzbek

Vietnamese

Yoruba
