Quran Apps in many lanuages:

Surah Al-Anaam Ayahs #132 Translated in Somali

وَيَوْمَ يَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ قَدِ اسْتَكْثَرْتُمْ مِنَ الْإِنْسِ ۖ وَقَالَ أَوْلِيَاؤُهُمْ مِنَ الْإِنْسِ رَبَّنَا اسْتَمْتَعَ بَعْضُنَا بِبَعْضٍ وَبَلَغْنَا أَجَلَنَا الَّذِي أَجَّلْتَ لَنَا ۚ قَالَ النَّارُ مَثْوَاكُمْ خَالِدِينَ فِيهَا إِلَّا مَا شَاءَ اللَّهُ ۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ
Xusuuso Maalintuu Eebe Kulmin Dhammaantood (kuna Dhihi) Kulanka Jinniyow waad badsateen (Baadiyeynta) Insiga waxayna Dhehaan Saaxiibadood oo Insiga ah Eebahannow Qaarkanno qaarbuu ku shaqaystay waxaana Gaadhnay Ajashaad (Mudadaad) noo Samaysay, wuxuuna ku yidhi Naarbaa Iloyaadkiina ah idiinkoo ku Waari Dhexdeeda wuxuu Eebe doono Mooyee, Eebahaana waa Falsame Oge ah.
وَكَذَٰلِكَ نُوَلِّي بَعْضَ الظَّالِمِينَ بَعْضًا بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ
Saasaana ugu Dirraa Daalimiinta Qaarkood Qaarka kale waxay Kasbanayeen Darteed.
يَا مَعْشَرَ الْجِنِّ وَالْإِنْسِ أَلَمْ يَأْتِكُمْ رُسُلٌ مِنْكُمْ يَقُصُّونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِي وَيُنْذِرُونَكُمْ لِقَاءَ يَوْمِكُمْ هَٰذَا ۚ قَالُوا شَهِدْنَا عَلَىٰ أَنْفُسِنَا ۖ وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا وَشَهِدُوا عَلَىٰ أَنْفُسِهِمْ أَنَّهُمْ كَانُوا كَافِرِينَ
Jinni iyo Insiyow Miyuuna idiin Imaanin Rasuuloo Idinka mid ah oo iddinka Warrama Aayaadkayga idiinkana Diga la kulanka Maalintan waxayna Dheheen waan ku Marag furray Naftanada waxaana Dhagartay Nolosha Dhaw, waxayna ku Marag fureen Naftooda inay gaalo ahaayeen.
ذَٰلِكَ أَنْ لَمْ يَكُنْ رَبُّكَ مُهْلِكَ الْقُرَىٰ بِظُلْمٍ وَأَهْلُهَا غَافِلُونَ
Arrintaasna waa Inaan Eebahaa halaagin Magaalo Dulmi Dartiis iyadoo Dadkeedu halmaansanyihiin (aan loo digin).
وَلِكُلٍّ دَرَجَاتٌ مِمَّا عَمِلُوا ۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَافِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ
Cid kasta Darajooyin yey Leedahay oo waxay Camal fashay ah Eebahaana ma ah mid halmaansan waxay Camal Faleen.

Choose other languages: