Quran Apps in many lanuages:

Surah Yusuf Ayahs #34 Translated in Somali

وَقَالَ نِسْوَةٌ فِي الْمَدِينَةِ امْرَأَتُ الْعَزِيزِ تُرَاوِدُ فَتَاهَا عَنْ نَفْسِهِ ۖ قَدْ شَغَفَهَا حُبًّا ۖ إِنَّا لَنَرَاهَا فِي ضَلَالٍ مُبِينٍ
waxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi cad.
فَلَمَّا سَمِعَتْ بِمَكْرِهِنَّ أَرْسَلَتْ إِلَيْهِنَّ وَأَعْتَدَتْ لَهُنَّ مُتَّكَأً وَآتَتْ كُلَّ وَاحِدَةٍ مِنْهُنَّ سِكِّينًا وَقَالَتِ اخْرُجْ عَلَيْهِنَّ ۖ فَلَمَّا رَأَيْنَهُ أَكْبَرْنَهُ وَقَطَّعْنَ أَيْدِيَهُنَّ وَقُلْنَ حَاشَ لِلَّهِ مَا هَٰذَا بَشَرًا إِنْ هَٰذَا إِلَّا مَلَكٌ كَرِيمٌ
markay maqashay dhagartooda (Xantoodii) way u farriin dirtay waxayna u darabtay fadhi (martiqaad) waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf ku soo bax markay arkeenna way waynesteen waxayna iska gooyeen «Sareen» Gaemaha (Faraha) waxayna dheheen xaashaa Ilaah kani bashar (Dad) ma aha kani waxaan Malag sharaf leh ahayn ma aha.
قَالَتْ فَذَٰلِكُنَّ الَّذِي لُمْتُنَّنِي فِيهِ ۖ وَلَقَدْ رَاوَدْتُهُ عَنْ نَفْسِهِ فَاسْتَعْصَمَ ۖ وَلَئِنْ لَمْ يَفْعَلْ مَا آمُرُهُ لَيُسْجَنَنَّ وَلَيَكُونًا مِنَ الصَّاغِرِينَ
waxay tidhi kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay Naftiisa wuuna is dhawray hadduusanse falin waxaan fari walee waa la xabisa uu noqon kuwa dullooba.
قَالَ رَبِّ السِّجْنُ أَحَبُّ إِلَيَّ مِمَّا يَدْعُونَنِي إِلَيْهِ ۖ وَإِلَّا تَصْرِفْ عَنِّي كَيْدَهُنَّ أَصْبُ إِلَيْهِنَّ وَأَكُنْ مِنَ الْجَاهِلِينَ
wuxuuna yidhi (Nabi Yuusuf) Eebow Xabbis baan ka jeelahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta.
فَاسْتَجَابَ لَهُ رَبُّهُ فَصَرَفَ عَنْهُ كَيْدَهُنَّ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ
waxaan ajiibay Eebihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebe waa Maqle og.

Choose other languages: