Quran Apps in many lanuages:

Surah Yusuf Ayahs #20 Translated in Somali

وَجَاءُوا أَبَاهُمْ عِشَاءً يَبْكُونَ
Waxayna u yimaadeen Aabahood habeenkii iyagoo ooyi.
قَالُوا يَا أَبَانَا إِنَّا ذَهَبْنَا نَسْتَبِقُ وَتَرَكْنَا يُوسُفَ عِنْدَ مَتَاعِنَا فَأَكَلَهُ الذِّئْبُ ۖ وَمَا أَنْتَ بِمُؤْمِنٍ لَنَا وَلَوْ كُنَّا صَادِقِينَ
Waxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba Run sheegnee.
وَجَاءُوا عَلَىٰ قَمِيصِهِ بِدَمٍ كَذِبٍ ۚ قَالَ بَلْ سَوَّلَتْ لَكُمْ أَنْفُسُكُمْ أَمْرًا ۖ فَصَبْرٌ جَمِيلٌ ۖ وَاللَّهُ الْمُسْتَعَانُ عَلَىٰ مَا تَصِفُونَ
Waxayna la yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa Samir fiican Eebaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan.
وَجَاءَتْ سَيَّارَةٌ فَأَرْسَلُوا وَارِدَهُمْ فَأَدْلَىٰ دَلْوَهُ ۖ قَالَ يَا بُشْرَىٰ هَٰذَا غُلَامٌ ۚ وَأَسَرُّوهُ بِضَاعَةً ۚ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِمَا يَعْمَلُونَ
Waxaa yimid socoto waxayna direen Dhaamiye Wuxuuna yidhi Bishaaradayda waa Wiil, wayna Qarsadeen isagoo Badeeco ah, Eebana waa og yahay waxay fali.
وَشَرَوْهُ بِثَمَنٍ بَخْسٍ دَرَاهِمَ مَعْدُودَةٍ وَكَانُوا فِيهِ مِنَ الزَّاهِدِينَ
waxayna ku gateen Qiima jaban Dirhamo tirsan Waxayna ahaayeen kuwaan rabin.

Choose other languages: