Quran Apps in many lanuages:

Surah Yunus Ayahs #30 Translated in Somali

لِلَّذِينَ أَحْسَنُوا الْحُسْنَىٰ وَزِيَادَةٌ ۖ وَلَا يَرْهَقُ وُجُوهَهُمْ قَتَرٌ وَلَا ذِلَّةٌ ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
Kuwa Wanaagga Falayna waxaa u Sugnaaday Wanaag (Janno) (Aakhiro) iyo Siyaado (Aragga Eebe) mana haleelo Wajigooda Boodh iyo Dulli midna kuwaasuna waa Asaxaabta (Ehelka) Jannada wayna ku waari Dhexdeeda.
وَالَّذِينَ كَسَبُوا السَّيِّئَاتِ جَزَاءُ سَيِّئَةٍ بِمِثْلِهَا وَتَرْهَقُهُمْ ذِلَّةٌ ۖ مَا لَهُمْ مِنَ اللَّهِ مِنْ عَاصِمٍ ۖ كَأَنَّمَا أُغْشِيَتْ وُجُوهُهُمْ قِطَعًا مِنَ اللَّيْلِ مُظْلِمًا ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ
kuwa kasbaday xumaan Abaalkood waa Xumaan la mida, waxaana haleeli dulli wax Eebe ka ilaalinna ma jiro, waxaadna moodaa in lagu daboolay wajigooda goosin habeen oo mugdi ah, kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda,
وَيَوْمَ نَحْشُرُهُمْ جَمِيعًا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشْرَكُوا مَكَانَكُمْ أَنْتُمْ وَشُرَكَاؤُكُمْ ۚ فَزَيَّلْنَا بَيْنَهُمْ ۖ وَقَالَ شُرَكَاؤُهُمْ مَا كُنْتُمْ إِيَّانَا تَعْبُدُونَ
ka warran maalintaan kulminaynno Dhammaan markaas aan ku dhahaynno kuwii la wadaajiyey (Gaaloobay) Meejiinna ahaada idinka iyo kuwaad la wadaajiseen markaasaan kala gaynay dhexdooda, waxayna dheheen kuway la wadaajiyeen (Eebe) an naga nama aydaan Caabudayn.
فَكَفَىٰ بِاللَّهِ شَهِيدًا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ إِنْ كُنَّا عَنْ عِبَادَتِكُمْ لَغَافِلِينَ
waxaa markhaati dhexdeenna ugu filan Eebe inaan Cibaadadiinna Moogayn.
هُنَالِكَ تَبْلُو كُلُّ نَفْسٍ مَا أَسْلَفَتْ ۚ وَرُدُّوا إِلَى اللَّهِ مَوْلَاهُمُ الْحَقِّ ۖ وَضَلَّ عَنْهُمْ مَا كَانُوا يَفْتَرُونَ
halkaasaa lagu imtixaami naf kasta waxay hor marsatay, waxanna loo eeliyaa Ilaaha Sayidkooda xaqa ah waxaana ka dhumay wa.xay been abuuranayeen.

Choose other languages: