Quran Apps in many lanuages:

Surah Ibrahim Ayahs #52 Translated in Somali

يَوْمَ تُبَدَّلُ الْأَرْضُ غَيْرَ الْأَرْضِ وَالسَّمَاوَاتُ ۖ وَبَرَزُوا لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ
Maalin Buuna (oofin) lagu bedeli dhulka Dhul kale iyo Samooyinkaba, waxaana loo soo bixi Eebaha kalida ah ee awoodda sara leh.
وَتَرَى الْمُجْرِمِينَ يَوْمَئِذٍ مُقَرَّنِينَ فِي الْأَصْفَادِ
Waxaadna arkaysaa Danbiilayaashii oo Maalintaas lagu xidhiidhiyay (lays kulaxidhay) Biro (Naareed).
سَرَابِيلُهُمْ مِنْ قَطِرَانٍ وَتَغْشَىٰ وُجُوهَهُمُ النَّارُ
Dharkooduna (Qamiisyadoodu) waa Daamur (Naara) waxaana dabooli wajigooda naar.
لِيَجْزِيَ اللَّهُ كُلَّ نَفْسٍ مَا كَسَبَتْ ۚ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ
inuu ka Abaal mariyo Eebe naf kasta Waxay kasbatay, Eebana way deg degtaa xisaabtiisu.
هَٰذَا بَلَاغٌ لِلنَّاسِ وَلِيُنْذَرُوا بِهِ وَلِيَعْلَمُوا أَنَّمَا هُوَ إِلَٰهٌ وَاحِدٌ وَلِيَذَّكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ
Quraankana waa gaadhsiin Dadka iyo in Loogu Digo iyo inay ogaadaan in Eebe Ilaah Kaliya uun Yahay, iyo inay waantooto Cidda Caqliga leh (Mu'miniinta).

Choose other languages: