Quran Apps in many lanuages:

Surah Ghafir Ayahs #46 Translated in Somali

تَدْعُونَنِي لِأَكْفُرَ بِاللَّهِ وَأُشْرِكَ بِهِ مَا لَيْسَ لِي بِهِ عِلْمٌ وَأَنَا أَدْعُوكُمْ إِلَى الْعَزِيزِ الْغَفَّارِ
liguna yeedhaan inaan ka gaaloobo Eebe lana wadaajiyo (Cibaadada) waxaanan oqoon ulahayn, aniguna waxaan idiin ku yeedhi xagga Eebaha adkaada ee dambidhaafa.
لَا جَرَمَ أَنَّمَا تَدْعُونَنِي إِلَيْهِ لَيْسَ لَهُ دَعْوَةٌ فِي الدُّنْيَا وَلَا فِي الْآخِرَةِ وَأَنَّ مَرَدَّنَا إِلَى اللَّهِ وَأَنَّ الْمُسْرِفِينَ هُمْ أَصْحَابُ النَّارِ
Waxaan shaki lahayn in waxaad iigu yeedhaysaan xaggiisa uusan lahayn Nacfi (iyo wax ajiiba) adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Eebe kuwa xadgudbana iyaga uunbaa ah asaxaabta (Ehelka) naarta.
فَسَتَذْكُرُونَ مَا أَقُولُ لَكُمْ ۚ وَأُفَوِّضُ أَمْرِي إِلَى اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّهَ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ
Waadna xusuusan doontaan waxaan idin kuleeyahay, waxaana u bandhigay amarkayga xagga Eebe, illeen Eebaa arka addoomadee.
فَوَقَاهُ اللَّهُ سَيِّئَاتِ مَا مَكَرُوا ۖ وَحَاقَ بِآلِ فِرْعَوْنَ سُوءُ الْعَذَابِ
Markaasaa Eebe ka dhawray Mu'minkaas xumaantay ku dhagreen, waxaana ku dhacay (ku dagay) Fircoon iyo ehelkiisii cadaab xun.
النَّارُ يُعْرَضُونَ عَلَيْهَا غُدُوًّا وَعَشِيًّا ۖ وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ أَدْخِلُوا آلَ فِرْعَوْنَ أَشَدَّ الْعَذَابِ
Naarbaana loo bandhigaa aroortii iyo galabtiiba, Maalintay kacayso Saacaduna (Qiyaamada waxaa ladhihi) galiya fircoon iyo ehelkiisa kan ugu daran cadaab.

Choose other languages: