Quran Apps in many lanuages:

Surah At-Tawba Ayahs #64 Translated in Somali

إِنَّمَا الصَّدَقَاتُ لِلْفُقَرَاءِ وَالْمَسَاكِينِ وَالْعَامِلِينَ عَلَيْهَا وَالْمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمْ وَفِي الرِّقَابِ وَالْغَارِمِينَ وَفِي سَبِيلِ اللَّهِ وَابْنِ السَّبِيلِ ۖ فَرِيضَةً مِنَ اللَّهِ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
sadaqada (Zakada) waxaa uun muta fuqarada, masaakiinta, kuwa ka shaqeeya, kuwa la soo dhawayn quluubtooda, kuwa la xorayn, kuwa (xaqa) ku daynoobay, jidka Eebe iyo soedaalka, waana wax Eebe Faral yeelay, ilaahayna waa oge falsan.
وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ ۚ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَكُمْ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَيُؤْمِنُ لِلْمُؤْمِنِينَ وَرَحْمَةٌ لِلَّذِينَ آمَنُوا مِنْكُمْ ۚ وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ رَسُولَ اللَّهِ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba nabiga oo dhaha waa wax walba maqle, waxaad dhahdaa waa Khayr maqlihiinna wuxuuna rumayn Eebe, wuxuuna u rumayn Mu'miniinta, waana u naxariista kuwa rumeeyey oo idinka mid ah, kuwa dhiba Rassulka Eebe waxay mudan cadaab daran.
يَحْلِفُونَ بِاللَّهِ لَكُمْ لِيُرْضُوكُمْ وَاللَّهُ وَرَسُولُهُ أَحَقُّ أَنْ يُرْضُوهُ إِنْ كَانُوا مُؤْمِنِينَ
waxay idiinku dhaaran Eebe inay idin raalli galinayaan, Eebe iyo Rasuulkiisa yaa mudnaan badan inay raalli galiyaan hadday Mu'miniinyihiin.
أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّهُ مَنْ يُحَادِدِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَأَنَّ لَهُ نَارَ جَهَنَّمَ خَالِدًا فِيهَا ۚ ذَٰلِكَ الْخِزْيُ الْعَظِيمُ
miyeyna ogayn ciddii la dagaalanta (oo khilaafta) Eebe iyo rasuulkiisa inuu mudan naarta jahannama, kuna waari dhexdeeda, arrintaasuna waa dulli wayn.
يَحْذَرُ الْمُنَافِقُونَ أَنْ تُنَزَّلَ عَلَيْهِمْ سُورَةٌ تُنَبِّئُهُمْ بِمَا فِي قُلُوبِهِمْ ۚ قُلِ اسْتَهْزِئُوا إِنَّ اللَّهَ مُخْرِجٌ مَا تَحْذَرُونَ
waxay ka digtoonyihiin munaafiqiintu in lagu soo dajiyo suurad ka warrami waxa quluubtooda ku sugan, waxaad dhahdaa jeesjeesa Eebe wuxuu soo bixin waxaad ka digtoontihiin (cabsanaysaan).

Choose other languages: